4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 1 , 2016
Danjiraha Somalia u fadhiya Sucuudiga oo la kulmay Wasiirka Beeraha Dalka Saudi Arabia

Jimco, Janaayo 01, 2016 (HOL) — Danjiaha Soomaaliya ee Sacuudiga, Daahir Maxamuud Geelle iyo wasiirka beeraha Saudi Arabia, ayaa ku kulmay xarunta Wasaarada Beeraha ee dalka Sacuudiga.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil labada dhinac ka kala socday oo ka mid ahaayeen, Saalim Macoow Xaaji oo ah la-taliyaha koowaad iyo ku xigeenka safiirka iyo C/llaahi Ibraahim Aadan oo ah xoghayaha saddexaad e safaaradda.

Intii uu socday kulankaan ayaa si weyn loogu falan-qeeyay arrimo la xiira dhinaca beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga ee labada dal.

Danjire Geelle ayaa wasiirka beeraha Sacuudiga ka codsadey in ganacsatada Soomaalida loo furo suuqyada Sacuudiga loona ogolaado iney dalka Sacauudiya u dhoofiyaan hilibka xoolaha oo lagu diyaariyey dalka Soomaaliya gudahiisa.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu dowlada Sacuudiga ka codsaday in Soomaaliya laga taageero horumarinta tacabka beeraha; gaar ahaan muuska Somalia iyo sidii loo sahlin lahaa iib geentooda dalkaasi.

Geelle ayaa hadalkiisa ku daray in Soomaaliya ay leedahay bad dhererkeedu yahay 3,333-km oo uu ka buuxo kalluunka badan; loona baahan yahay in maalgashi lagu sameeyo.

Ugu dambeyn, wasiirka beeraha Sacuudiga ayaa sheegey inay mudnaan weyn siin doonaan Somalia, isagoo ballan-qaaday inuu gacan-weyn ka geysan doono sidii wax weyni ka qaban doono arrimaha safiirka Somalia ka codsaday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya