4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2016
SAWIRRO: Duqii Hore ee Muqdisho oo Maanta la kulmay Oday-dhaqameedka Gobolka Hiiraan


Talaado, Feberaayo 09, 2016 (HOL) — Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Max'uud Axmed Nuur Tarsan oo dhawaan soo gaaray magaalada Beledweyne, ayaa kulan ballaaran maanta la qaatay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Kulana oo ahaa mid ay ka Qayb-galleen inta badan odayaasha-dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa intiisa badan lagu hadlay arrimaha siyaasada wadanka gaar ahaan qorshaha dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.

Tarsan oo khudbad dheer ka jeediyay kulanka ayaa sheegay inuu gobolka Hiiraan gundhiga u ahaa Qarannimada Soomaaliya, isla markaana ay ka soo baxeen Hoggaamiyayaashii ugu caansanaa dowladihii isaga danbeeyay dalka Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay qorshaha dhismaha maamulka labada gobol waxaa uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in aysan siin gobolka Hiiraan mudnaantii uu lahaa, kaddib markii ay dhagaha ka fureysatay ayuu yiri rabitaanka bulshada ku dhaqan gobolka.

''Marka la eego sidda ay wax u socdaan waxaa meesha kaaga muuqanaya quursi badan oo dhinaca dowladda uga imanaya bulshada ku dhaqan gobolka, madaama aan loo madax-banaaneynin in ay qaataan go'aamadood, taa badalleedkeedana loo soo diray si ay maamul ugu sameeyaan dad aan qibrad badan u laheyn howlaha socda,'' ayuu yiri Tarsan.

Guddoomiyihii hore gobolka Banaadir ayaa dhinaca sheegay in maamulada ka jirta dalka intooda badan yihiin kuwo aan ku dhismin rabitaanka dowladda, laakiin markii danbe qasab ku noqontay in ay la shaqeyso, kaddib dowladda aragtay mowqifka bulshada ku dhaqan deegaannada ay maamuladan ka jirtaan.

“Shacabka Hiiraan waxaa laga rabaa inay doonistooda cadeeyaan, aayahooda ka tashadaan, maamulka ay Raalliga ka yihiin ayaa mar walba shaqeynaya, Dowladda Waxba kor ugama keeni karto sidda sharciga ah'' ayuu intaa dhaaciyay.

Ugu danbeyn, wuxuu ku booriyay bulshada in laga faa'ideysto wax-soo-saarka uu gobolka caan ku yahay, madaama ayuu yiri laga yaabo in Dhallinyarrada ku dhaqan Gobolka 90% yihiin shaqo la'aan ah.

Magaalada Beledweyne ayaa todobaadyadii aynu soo dhaafnay waxaa si is daba joog u soo gaarayay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed aragtiyo kala duwan ka qaba dhismaha maamulka Hiiraan & Sh/dhexe iyo ka qeyb-galka shirka Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya