4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2016
RW Somalia oo Maanta kulan la Qaatay Haween ka Socday Qaybaha Bulshada Rayidka (Sawirro)


Talaado, Feberaayo 09, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay haween ka kala socday qaybaha bulshada rayidka ah, sida; Guddiyada, Bulshada Rayidka, ururada iyo qaybaha kale ee muhiimka ah, isagoo la-tashiyo kala sameeyay qaabka loo wajahayo xaaladda dalka, gaar ahaan hanaanka doorashooyinka la filayo inay sanadkan 2016-ka ka dhacaan dalka iyo qoondada haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelan doonaan.

Haweenkii kulanka goobjooggak ahaa ayaa RW Soomaaliya su’aalo weydiiyeen iyadoo ay haweenku uga mahad-celiyeen wadahadalka Xukuumaddiisa la yeelaneyso iyo talo is-wey-daarsiga, iyagoo soo jeediyay in la badiyo shirarka ceykan oo kale ah, si looga faa’iideysto maskaxda haweenka iyo qeybaha bulshada rayidka ah.

Sharma’arke ayaa u ballan-qaaday Haweenka in kaalintooda aan dib loo dhigi doonin, si gaar ahna wuxuu carabka ku adkeeyey inay heli doonaan qoondada loo ballan-qaaday ee ah 30% (Boqolkiiba soddon) iyo in ka badan.

“Waxaan galabta hortiina ka caddeynayaa inay xukuumadeydu marnaba dib u dhigi doonin kaalinta aad ku leedihiin hay’adaha siyaasadda iyo kuwa maamulka ee Dowladda FS, Gaar ahaana qoondada aad xaqa u leedihiin ee baarlamaanka iyo golayaasha kale ee Dowladda,” ayuu yiri RW Somalia.

Ugu dambeyn, Markii Kulanku soo Xirmay ayaa waxaa la hadlashay Warbaahinta Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ku hadlaysay magaca ururradii ka qeyb-galay kulanka, waxayna sheegtay in haween ahaan ay u gudbiyeen ra’iisul wasaaraha taageeradooda iyo talooyin ku Aaddan sidii Somalia ay uga dhici lahayd doorasho marka la gaaro Dhamaadka Sannadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya