4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2016
Turkish Airlines oo ka Hadashay Maanta Sababta Keentay inay Baajiso Duullimaadyadeedii Xamar


Talaado, Feberaayo 09, 2016 (HOL) — Shirkiadda Turkish Airlines oo ka mid ahayd kuwa Caalamiga ah ee Garoonka Muqdisho ku tegi jiray duullimaadyada joogtada ah ayaa markii u horreysay si rasmi ah maanta uga hadashay sababihii keenay inay joojiso duulimaadyadii ay ku tegi jireen Muqdisho, ka hor intii uusan dhicin Qaraxii diyaaraddii Daallo Airlines.

Afhayeen u hadlay sharikadda Turkish Airlines, Yahya Ustun oo ayaa VOA-da u sheegay in in duulaamdyadii Turkish Airlines ee tagi jiray garoonka Muqdisho loo joojiyay sababo la xiriira Cimilada oo aan Wanaagsanayn.

Sidoo kale, Yahya Ustun ayaa ka gaabsaday inuu biixyo Faahfaahin dheeraad ah, isagoo ka gaabsaday inuu ka jawaabto su'aalo ay VOA-du ka Weydiisay oo ay ka mid ahaayeen; inay jireen khataro ay ka baqeen iyo inay ka Warhayeen inuu Ruuxii isku Qarxiyay Diyaaraddii Daallo uu tigidh ka haystay diyaaraddooda.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa waxay Duullimaadyo toos ah maalin walba ku tegi jirtay Muqdisho, Laakiin lama casho ka hor intii uusan Qaraxu ka dhacin diyaaraddii Daallo ayay diyaaraddu si rasmi ah u joojisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho.

Ugu dambeyn, ilaa hadda ma jiraan warbixino dheeri ah oo ku saabsan sababta baaqashada Duullimaadkii Turkish Airlines ay ku tegi jirtay Muqdisho, iyadoo Mas’uuliyiinta Somalia oo horay wax laga weydiiyay isla arrintan ay ku gaabsadeen inaysan wax war ah ka hayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya