4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2016
Tababarka Ciidammo la Dagaallamaya Kooxaha Argagaxisada ah oo Maanta ka Billowday Senegal


Talaado, Feberaayo 09, 2016 (HOL) — Ciidammo Tiradoodu gaarayso 1700 oo Askari oo ka kala socda Afrika, Yurub iyo dalka Mareykanka ayaa ka Qayb-qaadanaya tababar Layli Millateri ah oo ka bilowday wadanka Senegal, kaasoo qeyb ka ah dadaalka lagu xoojinayo dagaallada ka dhanka ah kooxaha loogu yeero Argagixisada.

Kooxaha Argagaxisada loogu yeero ayaa Weerarro u muuqday in ay ahaayeen kuwo isku mid ah ka Fuliyeen Dalalka Mali iyo Burkina Faso, halka Dhibaatada Nigeria ay weli halis wayn ku tahay Galbeedka Afrika.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Mareykanka ee tababarkan qaybta ka ah ayaa wuxuu u sheegay Warbaahinta in la kobcinayo Awoodda iyo Tayada ciidamada, wuxuuna intaas ku daray in ay Ciidamadu isla adeegsan doonaan Farsamooyinka, Qalabka iyo weliba Hanaanka fikrad mideysan ee dagaalka.

Tababarka maanta billowday oo seddax toddobaad qaadan doona, ayaa waxaa lagu sheegay sidii loo heli lahaa ciidammo Qaran oo si wadajir ah uga shaqeyn kara ka hor-tegidda waxa loogu yeeray argagixisada.

Ururrada Islaamiyiinta ah ee Galbeedka Afrika waxay khatartoodu si dhab ah u soo baxday bishii la soo dhaafay ee Jannaayo, kaddib markii Koox ka mid ah ay Weerarro ku Qaadday Hoteel ku yaalla Dalka Burkina Faso, halkaasoo ay ku dileen 30-qof.

Dalalka Senegal iyo Ivory Coast oo ka mid ah Waddamada halista weyn ugu jira kooxahan Argagaxisada ah inay weerarro ka geystaan ayaa billaabay inay si aad ah ammaankooda u Adkeeyeen.

Ugu dambeyn, 10 ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Shabakad Argagixiso ayaa Dalka Senegal lagu xiray Seddaxdii bilood ee lasoo dhaafay, Taasoo ay Xukuumadda Dakar ku sheegtay in kusoo qabteen hawl-gallo gaar ah oo ay sameeyeen ciidanka Amniga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya