4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2016
SAWIRRO: Dhimasho iyo Dhaawac fara badan oo ka dhashay Tareenno iskula dhacay Jarmalka


Talaado, Feberaayo 09, 2016 (HOL) — Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay, 100-qof qof oo kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii gobolka Bavaria ee dalka Jarmalka ay isku dhaceen laba tareen.

Isku-dhaca labadan Tareen ayaa ka dhacay Meel u dhow Bad Aibling oo 60-Km Koonfur-bari kaga beegan magaalada Munich ee waddanka Jarmalka. Iyadoo shirkadda Tareennada maamusha ay sheegtay in labada Tareen ay Waddada ka baxeen, kadibna ay isku dhaceen, isla markaana ay rogmadeen.

Sidoo kale, Booliiska Jarmalka ayaa sheegay Shaqaalaha Gar-gaarka inay isku dayayaan in ay badbaadiyaan dadka wali ku go'doonsan burburka tareennada. Iyagoo intaas ku daray in siddeed qof ay dhinteen, Boqol qof oo kalena ay dhaawacmeen, kuwaasoo 50 ka mid ah ay yihiin dhaawacyadoodu yihiin kuwo halis ah.

Rainer Scharf oo ka tirsan Saraakiisha booliiska Bavaria ayaa sheegay in iyadoo la eegayo shilka ay tahay mid aad looga Naxo in laba tareen iyagoo aan si xowli ah ku socon ay iska hor-yimaadeen oo isku dhacaan.

Shirkadda Tareennada ee Meridian ayaa hadal ay iyaduna soo saartay waxay ku sheegtay in shilkan uu ka dhacay waddo u dhaxeysa Rosenheim iyo Holzkirchen saacaddu markay ahayd 07:00 subaxnimo ee maanta oo Talaado ah.

Madaxa shirkadda maamusha tareennada, Bernd Rosenbach ayaa wariyayaasha u sheegay inay ku Dadaalayaan inay Caawiyaan Rakaabka, Ehellada iyo Shaqaalaha Tareennadan la socday.

Fabian Amini oo ah maamulaha dhinaca farsamada ayaa isagana yiri: "Waxaan u Mahad-celinayaa Shaqaalaha Gurmadka deg-degga ah iyo shaqaalaha tareenka oo caawinaad deg-deg ah dadka siiyay."

Shilka Tareennadaan ayaa ka dhacay meel ku dhaw Webiga Mangfall oo ku yaalla Dhul Kaymo iyo Buuro badan. Waxaana dhaawacyada lagu qaadayaa doomo iyo Diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Helicopters-ka loo yaqaanno.

Ugu dambeyntii, Goobta uu Shilkaani ka dhacay ayaa waxaa ku sugan boqolaal shaqaalaha gar-gaarka deg-degga ah ka tirsan iyo shaqaalaha dadka badbaadiya oo ka yimid Austria; si ay u caawiyaan dadka dhibaatadu kasoo gaartay shilkaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya