4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2016
Xarunta uu Madaxweynaha Khaatumo ka Degen yahay Magaalada Buuhoodle oo la Weeraray


Talaado, Feberaayo 09, 2016 (HOL) — Kooxo Hubaysan ayaa Xalay Weeraray Xarunta uu degmada Buuhoodle ka Deggen yahay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh.

Weerarkaan oo laba Ruux ay ku dhaawacmeen ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyeen ciidammo taabacsan Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Xagla-toosiye oo toddobaayadii aan soo dhaafnay ku sugnaa Buuhoodle.

“Xalay mar keliya ayaan ku sasay rasaas dhacaysa 3:00 habeenimo markaan dhageystayna waxaan dareemay in Hoteel Cabdi Gurey ay ku dhacayso, kaasoo uu deggen yahay Galayr, rasaastuna waxay socotay mudo kooban, markiibana waxaa jawaab-celin bixiyay illaaladii Hoteelka iyo kuwii mas'uuliyiinta Khaatumo,” ayuu HOL u sheegay Maxamed Maxamuud Cabdi oo Goobta meel aan ka fogeyn ku sugnaa.

Sidoo kale, dadka dhaawacmay ayaa laygu sheegay inay yihiin mid fudud oo  ka kala tirsan labadda dhinaca, Waxaana Wararka Buuhoodle laga helayo ku Warramayaan inay Socdaan Kulammo lagaga wada-hadlayo dhacdooyin dhawr ah oo Buuhoodle ka dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Ciidamada Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Xagla-toosiye ayaa waxay sidoo kale shalay cagta-mariyay xafiiska Somali Channel TV ee Buuhoodle, kuwaasoo xabado la dhacay; Qalabkiina ka dhigay waxay burburiyaan iyo waxay qaateen, sida uu Weriye Cali Dheg-jar sheegay.

Suxufiyiiinta ka Hawl-gala degmada Buuhoodle iyo Magaalada Laascaanood ayaa kulamo ay Qabteen ku Cambaareeyay Falkaas lagula kacay Xarunta Warbaahineed; Waxayna ugu baaqeen Wasiir Xagla-toosiye inuu xushmeeyo sharciga; isla markaana wixii uu gef u arko uu sifo sharci ah u raaco, laakiinse waxay kusoo koobeen inaanay xabadi xakamayn karayn hawshooda.

Ugu dabmeyn, Khilaafka u Dhexeeya Madaxweyne Cali Khaliif Galayr iyo Wasiir Xagla-toosiye oo soo billowday aasaaskii maamulka Khaatumo dhamaadkii 2011-kii ayaa noqday mid mar kasta ay Buuhoodle kulmiso, taasoo shacabku ay uga hadleen siyaabo kala duwan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool