4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2016
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Mooshin ka Gudbiyay Madaxweynaha Somalia


Talaado, Feberaayo 09, 2016 (HOL) — Xildhibaanno Baarlamaanka Somalia ka Tirsan oo tiradoodu gaarayso 54-xildhibaan ayaa 07-dii Feberaayo guddoonka baarlamaanka Somalia u gudbiyay mooshin ka dhan ah hadalkii madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud uu ka jeediyay baarlamaanka, kaasoo ahaa in baaritaanada la mariyo xildhibaanada, wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda Somalia.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulankii baarlamaanka ee shalay ka sheegay in 07-dii Feberaayo mooshinkan lasoo gaarsiiyay, isla markaana maalmaha soo socda uu horkeenayo baarlamaanka.

Sidoo kale, qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ku xad-gudbay Dastuurka; uuna baal-maray sharciga dalka, waxayna xuseen in xildhibaanku uu leeyahay xasaanad ah inaan baritaanno lagu sameyn karin.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah xildhibaanada Mooshinka gudbiyay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu hareer-maray dastuurka dalka, isla markaana uu u gafay xasaanadda xildhibaanada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan ayaa maalin ka hor hadal uu Xubnaha Baarlamaanka FS u jeediyay ku sheegay in loo baahan yahay in wasiirrada, xildhibaannada iyo Xubnaha kale ee Dowladda Somalia looga baahan yahay inay ka Qayb-qaataan sugida Amniga, ayna ugu horreeyaan marka baaritaanada laga sameynayo in iyaga la baaro, si Shacabka intooda kale ay ugu daydaan.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo xildhibaanno Baarlamaanka FS ka tirsan ay mooshin ka gudbiyaan Madaxweynaha Somalia, iyadoo la Xusuusto in Mooshin muran badan dhaliyay ay in ka badan 100-xildhibaan Sannadkii hore ka Gudbiyeen Madaxweyne Xasan, kaasoo markii dambe si hoose loo xalliyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya