4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2016
Shir looga Hadlayo Maamul baahinta Puntland iyo Qorshaha Mustaqbalka oo Furmay (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 09, 2016 (HOL) — Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Inj. C/xakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Maanta  Garoowe ka furay shir looga hadlayey Maamul baahinta ,Barnaamijka horumarinta Degmooyinka ee (JPLG) iyo Qorshaha Mustaqbalka dhow Puntland.

Waxaana Shirka ka so qayb-galay Gudoomiyaasha Degmooyinka Puntland ee u ka socdo Barnaamijka Hormarinta Degmooyinka Puntland ee (JPLG),kuwaaso so bandhigi-doona waxa u qabsoomay iyo Waxa ka dhamin Degaanada ay hogaamiyaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng  ayaa sheegay in Degmooyinka helay Barnaamijka Hormarinta Puntland ay sanadkii tagay ay si fiican uga faa’iideysteen,loona Baahanyahay inay Dardar-galiyaan How-lahooda Shaqo Sanadkan.

Ugu danbaytii Madaxweyne ku Xigeenka ayaa sidoo kale u Mahad-celiyay Hay’adaha Puntland ka caawiya dhinaca horumarinta,isagoona Maamullada Degmooyinka iyo Goballda Puntland kula Dardaarmay insan Hay'ado oo kaliya aysan wax ka sugine, ee ay wax u wada qabsadaan si isku-tashi ah,Maamul iyo Shacaba.

Abaadir C/qaadir Cilmi
[email protected]   
Gaalkacyo-Soomaaliya