4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2016
Qarax Miino oo lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan booliska Kismaayo
Talaado, Feberaayo 09, 2016 (HOL) —Qaraxan oo ahaa nooca Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, gaar ahaan goob u dhow xero lagu tababaro ciidamada Booliska Jubaland.

Qaraxa oo ahaa nooca Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa loo dhigay gaari nooca ciidanka qaada ah oo ay saarnaayeen ciidamo boolis ah oo  xilligaasi ku socday xerada, waxaana ay gaarigaasi kula qaraxday miinada wadada gasha xerada oo aan sidaa ugu fogeyn garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Ilo xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in askartii gaariga saarnayd ay ka badbaadeen qaraxaasi, wallow laba askari uu kasoo gaari dhaawac fudud.

Goobta lagu aasay miinada ayaa ah agagaarka wadada laamiga ah ee gasha garoonka, waana wado yar oo bacaad ah oo gasha xero lagu tababaro Booliska oo halkaasi ku taal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
- See more at: /news/2016/Feb/wararka_maanta9-94777.htm#sthash.LGoliKBu.dpuf

[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
- See more at: /news/2016/Feb/wararka_maanta9-94777.htm#sthash.LGoliKBu.dpuf
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya