4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2016
Maxkamad ku taalla Britain oo Xabsi Sannado ah ku Ridday Wiil Somali ah oo Haweeney Dhaawacay


Talaado, Feberaayo 09, 2016 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Britain ayaa 15-sano oo xabsi ah ku xukuntay muwaadin Soomaali ah oo Tooreey ku dhaawacay Haweeney British ah oo deggeneyd magaalada Coventry.

Mahad Aadan oo 33-sano jir ah ayaa Wuxuu Qirtay inuu Haweeneydan ku dhuftay tooreey dhaawacday, taasoo keentay in maxkamaddu ay ku riddo xukun.

Weerarkan haweeneyda lagu dhaawacay ayaa dhacay Sannadkii 2013, waxaana xilligaas la sheegay uu baxsaday, balse Booliska ayaa dhawaan qabtay markii uu waddankaas dib ugu laabtay.

Sidoo kale, ciidamada booliiska ayaa Mahad ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee London [Heathrow], markii uu dib ugu laabtay dalkaas.

Mahad Aadan ayaa qirtay dambiga, isla markaana gabadha uu toorey ku dhiftay, Gabadha ayaa da’deedu aheyd 23-jir, muddo ayayna saaxibo ahaayeen iyada iyo Mahad.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu Horreysay ee Maxkamad ku taalla Dalka Britain lasoo taago muwaadiniin Soomaaliyeed oo dambiyo loo haysto, iyadoo dhawaan lagu xukkumay saddex ruux oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay kufsadeen gabar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya