4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2016
Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo loogu baaqay inay ka shaqeeyaan Nabadeynta Gobollada Dhexe


Talaado, Feberaayo 09, 2016 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalis, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] oo shalay gaaray Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa ugu baaqay Ahlusunna Waljamaaca inay nabadda qaataan, oo ay yimaadaan miiska wada-hadalka.

C/raxmaan Odawaa ayaa ka codsaday madaxweynaha maamulka Galmudug inuu culeyska saaro xalinta khilaafaadka, isla markaana Ahlusunada ee Dhuusa-mareeb in uu wadahadal la galo, si khilaafka jira loo dhameeyo.

“Waxaa ku Dhiirri-gelinayaa madaxweynaha Galmudug inuu culeyska la saaro arrinta Dhuusa-mareeb, gaar ahaan Ahlusunna. Intii aan dhisidda maamulka Galmudug ku jirnay wadahadal dheer ayaan la galnay, waxaa aaminsanahay in kuwa jooga Dhuuso-mareeb ay Reer Galmuug yihiin, Miiska Wada-hadalkana yimaadaan,” ayuu yiri Odawaa.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay inay Dhamaatay waqtigii qoriga wax lagu raadinayay, isagoo ugu baaqay Ahlusunna Waljamaaca wax kasta oo ay tabanayaan ku raadiyaan wadahadal.

“Xilligii Nin qori leh uu meel ku haysanayay way dhamaantay, kooxda Dhuusa-mareeb joogta waxaa leeyahay qori waqtigii waa dhamaaday, waxaa soo haray qori is-qarxinaya, kaas ayaa la rabaa in dalka laga qabto ee garab ha u noqonina, wixii aad tabaneysaan wadahadal ku raadiya, caqliga ha shaqeeyo,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, wadahadalo u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusunna ayaa lagu wadaa inay dhawaan kabillowdaan gobolka Galgaduud, inkastoo wadahadallo hore ay dhexmareen dhinacyadan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya