4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2016
Suxufiyiin qabtay kulan balaaran oo ay uga hor-jeedaan Go'aankii Maxkamada Sare (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 08, 2016 (HOL) — Waxaa Maanta Magaaladda Muqdsiho lagu Qabtay kulan ballaaran oo ay ka qayb-galeen qaybaha warbaahinta dalka, kaas oo ay si wadajir ah u soo qaban-qabiyeen Ururrrada NUSOJ, SIMAHA iyo Network 13, kaasoo looga soo hor-jeeday xukunkii Maxkamadda Sare ay shalay Ururka NUSOJ ugu xugmisay Cumar Faruuq Cusmaan.

Kulamo midkan oo kale la mid ah ayaa iyaguna ka dhacay Gobollada dalka qaar ka mid ah, iyadoo suxufiyiintii ka qaybgalay ay sheegeen in go’aanka maxkamadda sare uu yahay mid aan sharci ahayn oo lagu fara-gelinayo madax-bannaanidooda shaqo iyo hoggaankooda.

“Haddii xoog wax lagu xukumi lahaa - Waxaa joogi lahayd dowladdii milateriga iyo kuwii kale ee ka dambeeyay, sidaa awgeed guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Waxaa ka dhageystay inuu ka Qayb-galay Xaflad loo sameynayey Boqoradda Ingiriiska Hooyadeed, marka isagaa mudan in meesha laga qaado oo howlaha shaqo laga fariisiyo,” ayuu kulanka ka sheegay, Axmed Ciise Guutaale oo ah Agaasimha Idaacadda Mustaqbal FM.

Sidoo kale, Waxaa Kulankii maanta ka Hadlay Agaasimaha Idaacadda Danan, Maxamed Barre Fiyoore ayaa yiri. “Xog-hayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Muddadii uu xilka hayay wuxuu ahaa shaqsi u gurmanayay bahda saxaafadda Somalia, kan dhaawaca ah dhiiggiisuu u shubayay, kan dhintay qoyskiisu qaaraanka ayuu u soo ururinayay, kan xiran xabsiguu ku booqnayay, isla markaan ku qaylinayay in la siidaayo. Marka mas’uulka sidaa uga war-qaba Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa maanta la yiri xilkaas ma mudnid, marka gudoomiyaha maxkamadda sare waa qof aan wax ogeyn… waxaana la yaab leh maxaa mar waliba u guuleystaa xukun kasta oo uu qareen ka yahay Avv. Tahliil, taasi waxay u baahan tahay fiiro gaar ah iyo baaritaan.”

“Waa xukun aan la yaabay, Waxaanan ku Tilmaami karnaa Madaxii oo Mijihii loo rogay, waxaan arki jiray xukun laga billaabo heer hobolka oo mara Darajooyin dhowr ah, sidoo kale, waxaan la yaabay, waxaan arkii jirey xukun labada dhinac la dhagsysto. Xaqiiqdii muddo dheer ayaan saxaafadda ku jiray waligey ma arag Cumar Faaruuq, sidaas awgeed waxaan ku talinayaa in xukunka dib loog laabto,” ayuu isna yiri C/naasir Xirsi Iidle oo ka mid ah wariyayaasha Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Waxaa isagana kulankaas ka hadlay C/fataax Xasan oo ku hadlayay magaca Wariyeyaasha Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna yiri. “Waxaa mar walba nala so xiriirayay Xog-hayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo Wax naga Weydiin jiray Xaaladdeenna.”

“Xukunka Maxkamadda Sare, Wuxuu kusoo beegmey xilli sharciga Saxaafadda Dalka la ansixiyay; Soomaaliduna waxay tiraahdaa madax meel ka sarreysa oo la salaaxo ma jirto, waa meeshii aan isla lahayn xaquuq badan oo naga maqan ayaa ku heli doontaan in sidan loo dhaqmo waa mid nasiib-darro ah,” ayuu yiri Agaasimaha Radio Xurmo, Cabdifitaax Macalin Nuur (Qays) oo ka mid ahaa xubnihii hadalka ka jeediyay kulanka.

Dhanka kale, Xog-hayaha Guud ee Ururka NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo isaguna hadal ka jeediyay kulanka suxufiyiintu isugu yimaadeen ayaa yiri. “Xukunkaan waa mid aanan waafaqsanayn dastuurka dalka, waayo qodobka 107-aad ee Dastuurkeennu wuxuu qorayaa in xukun kasta oo maxkamadeed waxaaa sharci ah inay labada dhinac goob-joog ahaadaan, dacwadoodana la dhageysto, sidoo kale Qoraalka Xukunka waxaa ku Qoran in NUSOJ la aas-aaasay sannadkii 2005-kii, taasna waa mid aanay waxba ka jirin, laakiin NUSOJ waxaa la Aas-aasay Sannadkii 2002-kii; marka waa Aayaan-darro in Guddoomiyha Maxkamadda Sare oo Wax-qabkeyga og, Gaar ahaan Markaan ka Qaylinayay Xukunkii C/casiis Koronto oo aan dhowr jeer la kulmay guddoomiyaha maxkamadda Sare ee dalka, Anigoo ah Xog-hayaha Guud ee NUSOJ, haddaba su’aashu waa maxaa is-bedelay.”

Afhayeenka Daladda SIMHA, Ismaaciil Khaliifa oo isna kulankii maanta hadal ka jeediya ayaa isna yiri. “Waxaanu u soo jeedinayaa Dowladda Somalia, gaar ahaan madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha inay deg-deg wax uga qabtaan xad-gudubkaan lagu sameeyey Saxaafadda Soomaaliyeed, sidoo kale marnaba ma yeelanayno in nalagu jujuubo ruux aan og-nahay wuxuu u geystay saxaafadda Soomaaliyeed, waxaan filaynay xukun midkaan ka duwan, balse ma dhicin.”

Ugu dambeyn, Dhamaan Suxufiyiintii maanta Kulamada kala duwan ku qabtay inta badan gobollada dalka ayaa waxay si wadajir ah uga soo horjeesteen xukunkii Makxamadda Sare ee dalka ay go’aanka uga gaartay Hoggaanka Ururka NUSOJ.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya