4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2016
Baarlamaanka oo Maanta Xukuumadda Somalia ku celiyay Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka


Isniin, Feberaayo 08, 2016 (HOL) — Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo ku kulmay Maanta Muqdisho ayaa Xukuumadda Somalia Dib ugu celiyay Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka, si loosoo dhameystiro, iyagoo sidoo kalena ka dooday isbedel lagu sameynayo xeer-hoosaadka Baarlamaanka Somalia.

Kulanka Baarlamaanka oo uu Shir-guddoominayay, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa ku-xigeennadiisa iyo 142 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka, ayaa ka mid ahaa kulammadii caadiga ahaa ee ay yeelan jireen.

Qodobada xildibaannadu ay maanta ka doodeen, ayaa Waxaa ka mid ahaa Golaha Adeegga Garsoorka Dalka, waxaana xildhibaannadii ka hadlay kulanka ay kasoo hor-jeesteen in laga hadlo qodobkan sababo ay ku sheegeen inaysan sharciyan dhameystirneyn xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka oo laga rabay inay noqdaan sagaal xubnood, Laakiin Shan xubnood oo keliya loosoo gudbiyay Baarlamaanka.

Kaddib dood-dheer ayuu Guddoomiyaha Baarlamnaanka Somalia, Jawaari wuxuu sheegay in laga saaray Qodobada laga hadlayo Golaha Adeegga Garsoorka, isla markaana dib loogu celinayo xukuumadda si ay u soo dhameystirto xunaha Golaha.

Dhanka kale, Guddiga xeer-hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka xildhibaannada ayaa soo jeediyay in wax laga beddelo Qodobka 28-aad ee Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Somalia.

Warbixinta guddiga ayaa lagu yiri sidan: Inagoo Qadarinaya Hab-sami u socodka Howlaha Baarlamaanka ay soo jeedinayaan in Qodobka 28-aad farqadiisa 1-aad ee Xeer-hoosaadka oo u Qornaa sidaan – ‘Aqlabiyadda Tirada Guud ee Xubnaha Golaha ay noqonayso tirada kooramka ee 50+1’.

Guddigu waxay soo jeediyeen in Qodobkaan loo beddelo Sidaan:

1. Markii ay Coddeyni jirto Kooramka Baarlamaanka, Wuxuu Ansaxayaa ku noqon karaa Aqlabiyadda tirada guud ee Xubnaha Baarlamaanka oo ah (50+1).

3. Haddii aanay Codeyni jirin Kooramka, Wuxuu ku furmayaa (1/3) saddex meel, hal meel tirada guud ee xildhibaannada Baarlamaanka Somalia.

Ugu dambeyn, Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa ka dooday Qodobadaan iyadoo Qaarkood ay soo jeediyeen in Qodobkaasi aan Waxba laga beddelin, halka kuwa kale ay taageereen isbedelka lagu sameeyay qodobka 28-aad Farqadiisa 1-aad ee Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya