4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2016
Hay'adda Musiibooyinka Puntland oo ka digtay Khataraha ka imaan-karta Abaaraha Puntland

Isniin, Feberaayo 08, 2016 (HOL) — Hay'adda maareynta musiibooyinka Puntland ayaa ka digtay Maanta abaaraha ka jira Goballada Sool, Sanaag iyo Deegaannada dhaca Bariga fog ee Puntland.

Agaasimaha hay'ada Maareynta Masiibooyinka Puntland C/laahi C/rixmaan (Cayrow) ayaa sheegay inay Abaarahu ka jiraan deegaannada kala ah; Dan-garayo, Isku-shuban, Baran iyo Hataftimo, kuwaasoo dadka iyo duunyada ku dhaqan aysan helin wax roob ah labadii xilli ee ugu dambeeyay.

Cayrow ayaa intaas ku daray inay dadkaan ka mid yihiin; Dad danyar ah oo aan awoodin in ay gataan biyaha oo deegaannada laga soo dhaaminayo ay ku yaallaan Dhulalka fog-fog ee Puntland.

"Biyaha waxaa looga soo dhaamiyaa, deegaano Puntland ka tirsan oo aad u fog, waxayna u baahan yihiin in la caawiyo, loona gargaaro," ayuu yiri agaasimuhu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Hadalkaan Maanta kasoo baxay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Puntland, Cayrow, ayaa wuxuu imaanayaa xilli horay Madaxweyne C/weli  Gaas uu ula kulamay Hay'adaha Caalamka, kana codsaday Caawinta Dadka iyo Duunyada ay Abaaruhu ku dhugteen.

Abaadir C/qaadir Cilmi
[email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliya