4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2016
SAWIRRO: Ardayda Soomaaliyeed ee wax-ka-barta Turkiga oo Guddoomiye Cusub Doortay


Isniin, Feberaayo 08, 2016 (HOL) — Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga Wax-ka-barta ayaa doortay Guddoomiye cusub, kaddib doorasho sannadle ah oo Ankara ka dhacday 06-dii bishan Feberaayo, 2016-ka oo ku beegnayd Sabtidii aynu kasoo gudubnay.

Doorshada ayaa waxaa ku tartamayay seddex mushrax oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax-ka-barata magaalooyinka dalka Turkiga, seddexdan arday ee Tartamay ayaa waxay kala ahaayeen; Maxamed C/llaahi Xaashi, C/casiis Shiikh Mukhtaar iyo Mustafa Maxamed Cali Caadle.

Murashaxiintan tartamay ayaa waxaa u codeeyay 16 Wakiil oo ka kala socday dhammaan Magaalooyinka Turkiga ee ay ardayda Soomaaliyeed wax ka bartaan, iyadoo Doorashadu ay ahayd mid u dhacday si Wanaagsan.

Doorashada, waxaa kasoo Qayb-galay marti-sharaf kala duwan oo ay ay ka mid ahaayeen mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya iyo Arday kala timid Magaalooyinka kala duwan ee Turkiga, sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

Sidoo kale, doorashada ayaa u dhacday si cad ayaa waxaa guddoomiyaha golaha shuurada loo doortay Cabdijabbaar Xuseen Maxamed oo jagadaan ku Guuleystay, kaddib markii ay doorteen sagaal wakiil oo ka mid ah 16-kii wakiil oo codeeyay.

Markaas kaddib, Waxaa loo gudbay Doorashada Guddoomiyaha Guud ee Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga oo ay ku Tartamayeen saddex murashax, waxaana ku guuleystay xilka gudooomiyaha guud ee ururka UMASET, Maxamed C/llaahi Xaashi.

Ugu dambeyn, doorashada ayaa kusoo idlaatay jawi degen oo dhammaan dadkii kasoo iyo Musharixiintii laga guuuleystayba ay si aad ah ugu qanceen, waxaana guddoomiyaha cusub lagu boorriyay inuu kasoo baxo xilka loo doortay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya