4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2016
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in 20-qof ay u xirtay qaraxii ka dhacay Diyaaradii DAALLO


Isniin, Feberaayo 08, 2016 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay in la soo xiray Dad ka badan 20-ruux oo lala Xiriirinayo Qaraxii Diyaaradda Daallo ka Talaadadii la soo dhaafay, iyadoo si Deg-deg ah ugu soo laabatay Garoonka Aadan Cadde oo ay markii hore ka duushay.

Afhayeenka Xukuumadda Somalia, C/salaan Axmed Caato ayaa sheegay in ay ku socdaan Su’aalo dad ka badan 20-qof oo lagu tuhunsan yahay in ay wax ka Abaabuleen isku-daygii diyaaradda Daallo lagu Qaraxin lahaa Todobaadkii hore.

C/salaan Caato ayaa intaa ku daray in muddo 36-saacadood ah ay lagu soo bandhigi doono Warbixin Faahfaahsan oo ka hadlaysa Dadka loo soo xiray eedeymaha ku Saabsan Qaraxa lala damacsanaa Diyaaradda Daallo Airlines.

Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia oo iyaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in weerarkii lagu soo ridi lahaa diyaaradda Daallo Airlines uu ahaa mid ku lug lahaayeen kooxo Xag-jiriin ah, ayna dhici karaan kuwo la mid ah isku-daygaas weerar.

Waxay kaloo Wararka saraakiisha Amniga Dowladda Somalia ay intaas ku dareen inay Al-shabaab Damacsan tahay inay Weerarro kale oo Cirka ah Qaadaan, balse ay ka Feejignaan doonaan isku-day weerar oo ka yimaada dhanka Al-shabaab.

Ilo-wareedyo kale ayaa iyagana laga soo xigtay in dadka weerarkan loo xir-xiray uu ka mid yahay Nin xiriir dhow la lahaa Al-shabaab, kaasoo aan magaciisa weli la shaacin, laakiinse la xaqiijiyay in Hay’adaha Amnigu ay horay tuhunno uga qabeen.

Ugu dambeyntii, Wararka la helayo ayaa sheegay in Al-shabaab ay kaalin weyn ku lahayd Qaraxii ka dhacay Diyaaraddii DAALLO ee ku socday Dalka Jabuuti, taasoo la doonayay in lasoo rido.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya