4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2016
Kulan lagu qabtay Netherlands oo lagu taageeray Shirweynaha Baladweyne ka Socda (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 08, 2016 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay soo qaban-qabiyeen Jaaliyadda Reer Hiiraan ee Netherland, kaasoo lagu taageeray shirka ka socda magaalada Baldaweyne ee aayo-ka-talinta gobolka Hiiraan oo uu Horkacayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa lagu qabtey magalada Rotterdaam ee Waddanka Netherlands.

Qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Reer Hiiraan ee Dalka Netherlands iyo Dalalka dariska la ah ayaa ka qaybgalay kulankan, waxaa dhammaan Xubnihii ka Qayb-galay ay si wadajir ah u tageereen go’aanka ay qateen Wax-garadka Gobolka Hiiraan.

Wax-garadkii iyo Aqoon-yahannadii ka Hadlay Madasha ayaa ka dhawaajiyay in Gobolka Hiiraan uu yahay Gobol ballaaran oo fac-weyn, kana dambeeya Siddeeddii Gobol ee lagu Aasaasay Jamhuuriyadda Somalia oo anan wili la kala qaybin, xaqna u leeyihiin shacabka ku nool gobolkaas inay aayahooda ka tashadaan.

Sidoo kale, Waxaa la isla Meel-dhigay in Shir-weynaha ka Socda Magaalada Beledweyne lala garab-is-taago tageero dhinac walba leh, waxaana sidoo kalena ugu baaqay Jaaliyadaha kale ee ku nool Qurbaha inay iyaguna garab-is-tagan Shirweynaha aayo-ka-talinta Gobolka Hiiraan, ayna taageeraan natiijadii kasoo baxda.

XUBNIHII KA HADLAY MADASHA WAXAA KA MID AHAA;

1. Gud. Jaaliyadda Reer Hiiraan - Dhqane Adan Nuur
2. Gud. Ku-xigeenka - Ali Ayaxoow
3. Xoghayaha - Ali Waare
4. Nabdoon - Mahamoud Gacal
5. Inj. Ahmedey Guul-wade
6. Col. Mustaf
7. Waris Farax Ducaale
8. Aadan Duqoow Iyo xubno kale oo badan.

Ugu dambeyn, Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa Waxaa ka Socda shir uu guddoominayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble kaasoo ay Qayb ka yihiin xubnaha baarlamaanka Somalia ugu jira Gobolka Hiiraan.

Abdulqadir Abdullahi Moalin
[email protected]
Rottardaam, Netherlands