4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2016
SAWIRO: Munaasabad lagu Taageeray Suldaan C/llaahi S. C/raxmaan oo Nairobi lagu Qabtay


Isniin, Feberaayo 08, 2016 (HOL) — Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Muxummed oo dhammaadka bishii aynu soo dhaafnay ee Jannaayo lagu duubay Degmada Bacaad-weyn ee Gobolka Mudug, ayaa shalay xaflad soo dhaweyn iyo Taageero ah  loogu sameeyay Xaafada Eastleigh (Islii) ee Magaalada Nairobi.

Xafladda oo ay ka Qayb galeen Isimo, Culumaa'uddiin, Odayaal Dhaqameed, Wax-garad, Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa waxaa hadlo ka jeediyay qaar ka mid ah waxgaradkii ka qeyb galay iyo waliba Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan  Dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Galmudug Warsame Maxamed Xasan iyo Wasiirka Gargaarka iyo Bini’aadanimada Galmudug Shire Xirsi Maxamuud, ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii soo dhaweynta diiran u muujiyay Suldaanka cusub.

Sidoo kale Xildhibaan Xasan Maxamed Axmed oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo C/qaadir Cali Jaamac oo horay u soo noqday wasiirkii kheyraadka Badda ee Maamulkaaas, ayaa ku dhiiri galiyay Suldaanka inuu bulshada isku soo dhaweeyo.

Sikasta ha ahaatee, dhammaan dadkii ka qayb galay kulankaas, ayaa taageero u muujiyay Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Muxumed oo hadda ku sugan gudaha Somalia; waxeyna kula dar-daarmeen inuu ka shaqeeyo horumarka iyo Maslaxada Umadda Soomaaliyeed, iyagoo Illahay oga baryay inuu la garab galo xilka loo doortay.   

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya