4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2016
QM oo Shaacisay inay dalka Waqooyiga Kuuriya kusoo rogayso cuno-qabateyn dhan Walba ah


Isniin, Feberaayo 08, 2016 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay tijaabadii gantaalkii riddada dheeraa ee ay maalin ka hor hawada u dirtay xukuumadda Waqooyiga Kuuriya.

Qoraal ay soo saareen xubnaha Golaha Ammaanka ee QM kaddib kullan deg-deg ah oo ka dhacay Magaalada New York, waxaana goluhu uu shaaciyay in cunna-qabateyn si dhaqso ah u dhaqan galeyso la saarayo dalka Waqooyiga Kuuriya.

Xukuumadda Pyongyang ayaa lagu eedeeyay inay waddo halis iyo qalalaase aad u xun oo dunida ka dhaca. Iyadoo bishii Jannaayo ee lasoo dhaafayna ay sidaan oo kale u tijaabisay afar gantaal oo nooca Nuclear-ka xambaara ah.

Sidoo kale, Dowladda Waqooyiga Kuuriya ayaa iyadana sheegay in tijabada Gantaalada ay qayb ka tahay Barnaamijkeeda Hawada.

Safiirka Koonfurta Kuuriya u fadhiya QM, Oh Joon ayaa isna Tilmaamay in la joogo xilli Golaha Ammaanka uu Meel-marin lahaa go’aan Adag oo Kuuriyada Waqooyi dhan ka ah, iyadoo la ogyahay in labadan waddan uu ka dhexeeyo khliaaf dhanka dhulka ah.

Ugu dambeyn, Safiirka Dowladda Japan u fadhiya QM, Motohide Yoshikawa ayaa wuxuu dhankiisa tilmaamay inay waajib tahay in la beddelo xiriirka lala wadaago North Korea.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya