4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2016
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo Saakay dib ula Wareegay Degmada Marko


Isniin, Feberaayo 08, 2016 (HOL) — Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya ayaa Saakay dib ula Wareegay Magaalada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose, kaddib dhowr maalmood oo isbedello ay ka dhacayeen.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay si Nabad ah kula wareegeen degmada Marko, iyadoo xoogaggii Al-shabaab si iskood ah uga baxeen, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin bartamaha magaalada Marko.

Ciidamada Dowladda Somalia ee qaybta ka ahaa ciidamadii saaka la wareegay Marko ayaa la sheegay inay ka tageen Muqdisho, ayna ka tirsanaayeen kuwa xoogga dalka Soomaaliya.

Shacabka ku nool degmada Marko in xaafadaha degmada Marko ay haatan ku sugan yihiin ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, Al-shabaabna ay xalay gellinkii dambe isaga baxeen degmada.

Magaalada Marko ayaa waxaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay isku bedelay gacan ku haynteeda ciidamada Dowladda FS, kuwa Al-shabaab iyo AMISOM, iyadoo xaaladeedu ay haatan tahay mid deggen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya