4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 29, 2016
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka warbixiyay Halka uu Marayo dhismaha Hiiraan & Sh. Dhexe


Isniin, Feberaayo 29, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Beledweyne, ayaa faah faahin ka bixiyay halka ay marayaan howlihii maamul u sameynta labad gobol Hiiraan Sh/dhexe.

Guddoomiyaha oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii ka qayb-galay shirkii dhawaan kusoo Gaba-gaboobay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeyay Mas'uuliyadda dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, lagu soo wareejiyay Guddoomiyayaasha labada gobol, isagoo doorka dowladda dhexe ee Somalia ku tilmaamay oo kaliya in ay dusha sare kala socto hadba halka ay wax marayaan.

''Khilaafkii siyaasadeed ee ka taagnaa arintan waa la soo Af-jaray, maamulka shirka waxaa lagu soo wareejiyay guddoomiyayaasha labada gobol, dowladda doorkeeda wuxuu noqon doonaa oo kaliya mid farsamo,”' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan.

Yuusuf Daba-gadeed, ayaa intaas ku daray in sida ugu Dhaqsiyaha badan ay u Gada-gali doonaan kulamo wadda-tashi ah oo lala yeellanayo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo sii anba-qaado shirka dhismaha maamulka labada gobol.

Ugu dambeyn, hadalka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa imanaya xili todobaad ka hor lagu kala tagay shir magaalada Beledweyne ay ku yeesheey madaxweynaha Dowladda FS Xassan Sh. Max'uud iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, kaddib markii leysku fahmi waayay hab raaca dhismaha maamulka labada gobol.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya