
Isniin, Feberaayo 29, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa Maanta Wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka Somalia iyo Beesha Caalamka inay Caawiyaan Dadkii Dhaawacyadu ka soo gaareen Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Shariif Xasan oo la Hadlayay Warbaahinta kaddib markii uu booqday isbitaalka Baydhabo oo ay ku jiraan dadkii dhaawacyadu soo gaareen ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo ay ka soo gaareen qaraxyadaas Waxyeellooyin aan waxba looga Qaban karin Isbitaalka Guud ee Baydhabo, loona baahan yahay in kaalmo caafimaad oo dibadda ah loo qaado.
“Kooxo dhibaatooyin wada ayaa dadkan halligay, dhibaato badan ayayna dadka u geyteen. Waxaa ka codsaneynaa Dowladda Somalia iyo Beesha Caalamka inay ugu soo gurmadaan dadkan shacabka ah, gaar ahaan kuwa dhaawcyadooda aan waxba looga qaban isbitaallada Baydhabo,” ayuu yiri Shariif Xasan Sh. Aadan.
Madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa intaas ku daray inay adag tahay in qof raba inuu is-qarxiyo laga hor-tago, isagoo intaas ku daray inay socdaan qorshayaal ka dhan ah Kooxda Al-shabaab, si looga saaro dalka oo dhan.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxyadii Gellinkii dambe ee shalay ka Dhacay Magaalada Baydhabo, kuwaasoo lagu beegsaday Maqaayado ay ku Sugnaayeen Shacab iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur-galbeed oo Bartamaha Baydhabo ku yaalla.
Dhanka kale, Qaraxyadaan ayaa waxay kusoo beegmayaa, iyadoo xalaad amni ay ka jirtay bilihii u dambeeyay Baydhabo, Waxaana Wararku ay sheegayaan in illaa hadda Dadkii ku geeriooday Qaraxyadaas marayso 30-qof, halka dhaawacyaduna ay intaas ka badan yihiin.
Ugu dambeyn, Wararka laga helayo Baydhabo ayaa waxay Sheegayaan in Qaar ka mid ah dadkii dhaawacyada culusi kasoo gaareen Qaraxyadan maanta loosoo duuliyay Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo Isbitaallada Caasimadda.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya