4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 29, 2016
Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Isku Beddelay Mas'uuliyiin Xukuumaddiisa Jagooyin ka Hayay


Isniin, Feberaayo 29, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siiilaanyo ayaa Maanta isku bedel, magacaabis iyo xil ka qaadis ku sameeyay mas’uuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan.

“Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-3881/022016 - uu magacaabid, isku-beddel iyo xilka qaadis ku sameeyey qaar ka mid ah mas'uuliyiinta kala duwan ee Xukuumadda,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, oo hore u ahaa Wakiilka Somaliland u Fadhiya Itoobiya, ayaa loo magacaabay Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.  

Sidoo kale, Aadan Muuse Jibriil ayaa isna loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya.

Isku bedelka Agaasimeyaasha Guud:

1. Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga billaabo Taariikhda Maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha).

2. Cabdi Axmed Nuur (Gurey), laga bilaabo taariikhda Maanta uu ahaado agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Xukuumada Somaliland. (Bedel Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda)

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha dowladda ayaa loo magacaabay Maxamuud Cabdillaahi Xarbi. Waxaa sidoo kale Maareeyaha hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka loo loo magacaabay, Ibraahim Axmed Raabi.

Masuuliyiinta Xilalka laga Qaaday;

1. Jamaal Caydiid Ibraahim, ayaa xilkii uu hayay laga qaaday oo horay u ahaa Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC).      

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland