4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 29, 2016
SAWIRRO: Ugu yaraan 30 Ruux oo ku Dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Degmada Baydhabo

Monday, February 29, 2016

Muqdisho (AFP) - Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay  labo bambaano waxaana sheegtay Alshabaab gaar ahaan hoteel aad u mashquul badan oo laga cunteeyo degmada Baydhabo, sida uu wakaalada wararka ee AFP u sheegay barasaabka gobolka Baay maanta.

"Tirada rasmiga ah ayaa gaareysa 30 illaa 61 kalena way dhaawacmeen, 15 ka mid ahna ay dhawaac halis ah yihiin," C/rashiid C/llaahi, oo ah guddoomiyaha Gobolka Bay ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Sarkaal Booliiska ka tirsan oo lagu magacaabo, Cabdi Xareed ayaa yiri. "Qaraxyadu waxay ahaayeen laba qarax oo midkood uu ahaa gaari lagu soo rakibay waxyaabaha Qarxa, midka kalena wuxuu ahaa qof is-miidaamiyay."

Qaraxyada ayaa Jeex-jeexay Saqafyada Guryihii meesha u dhawaa  iyo Gawaari. Maamul goboleedka kajira Baydhabo ee Koofur-galbeed Soomaaliya ayaa waxaa difaaca AMISOM oo guud ahaan askarta ka joogta dalka ay gaarayaan 22,000 oo skari. Ciidamadaa ayaa waxaa sidoo kale loo geeyay Soomaaliya inay taageeraan dawlada caalamku aqoonsaday ee Federaalka Soomaaliya.

Sargaal sare oo ka tirsan AMISOM oo laguna magacaabo Francisco Caetano Madeira ayaa Cambaareyn dusha uga tuuray Weerarkaas. Jimcihii lasoo dhaafay dabley ayaa isku dayay inay galaan hoteel kuyaala caasimada Muqdisho ayagoo sidoo kalena weerar bambaano ku qaaday beer nasasho oo halkaa u dhaweyd. 14 qof ayaa ku dhintay 18 kalena way ku dhaawacmeen.

[email protected]