4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 29, 2016
DAAWO: Kulan lagu Cambaareeyay Fal lagula kacay Masjidka Umutu Islam oo lagu Qabtay MN

Isniin, Feberaayo 29, 2016 (HOL) — Toddobaadkii hore ayaa Ruux wajigiisa qariyay xilli saqdii dhexe ee habeennimo ah, ayuu jabiyay albaabada iyo daaqadaha masaajidka Umuttu Islaam oo Qaarkood ay deggenaayeen Ganacsato kala duwan.

Maalmahan, waxaa aad u soo badanaya ficillo ay muujinayaan dad nacayb tusaya bulshada Muslimiinta ah, Sababahaas ayaa loo aaneynayaa inay ka mid tahay dhibaatada loo geystay masjidka Umuttu Islaam.

Shalay ayaa kulan lagu cambaaraynayo dhacdadan la isugu yimid masjidka waxaana kasoo Qayb-galay guddoomiyaha gobolka Minnesota, Mark Dayton & ku xigeentiisa Tina Smith, kuwaasoo soo eegay meelahii dhibaatada loo gaystay oo kala ahaa; qabyta dugsi Qur’aanka iyo Ganacsiyadii iyaguna muraayadahooda la jajabiyay dhacna loo gaystay.

Kulankaan oo ay kasoo Qayb-galeen Culummaa'uddiin Gobolka Minnesota intooda badan, Hoggaamiyeyaasha Jaaliyadda iyo kuwa u hadla Xaquuqda Muslimiinta Maraykanka; sida CAIR, ayaa waxaa iyaguna soo buuxiyay Warbaahinta kala duwan ee Minnesota, waxaana ugu horreyn Warbaxin ka siiyay Garyaqaan C/waaxid Qalinle oo ka sheekeeyay Taariikhda xarunta majidka & dhibaatadii soo gaartay, uguna mahadceliyay booqashada Mark Dayton uu ku yimid Masaajidka.
DAAWO: SHIRKII LAGU QABTAY MASJIDKA UMUTU ISLAM MINNESOTA;
 
Sheekh Axmed Taajir Imaamka Masjidka ayaa isaguna la hadlay HOL isagoo xusay in qof dhibta geystay falkan oo ay ka arkeen Kaamirada Masjidka inuu ahaa Nin wajiga qarsaday, fiidkiina dhawr jeer kusoo noqnoqday agagaarka masjidka.

Madaxa Hay'adda CAIR Minnesota, Jalyaani Maxamed Xuseen ayaa isna u Mahad-celiyay Guddooomiyaha Gobolka Minnesota is-garab-taagga uu mar walba Muslimiinta u muujiyo, isagoo xusay dhawr dhacdo sida kuwii ka dhacay Columbia Heights iyo St Cloud oo Mark Dayton Muslimiinta u yimid markii ay ka dhacday tallaabooyin Islaam nacayb la xiriiray.

Intaa kaddib, wuxuu Mark Dayton la galay kulan gaar ah Imaamyada masjidka & Madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee shalay joogay masjidka Umattu Islam, Waxuuna Warbaxinno ka dhagaystay xubnahii goobta ku sugnaa.

Guddoomiye Mark Dayton iyo dadkii la socday waxay soo booqdeen goobahii ay dhibta ka dhacday isagoo Booqdayna Fasallada ay Ardaydu ku Baranayeen Qur'aanka, isagoo si gaar ah ula sheekeystay ardayda isagoo sheegay inuu ka xun yahay waxii dhacay.

Ugu dambeyn, Shir Jaraa'id ayuu ku Qabtay Bannaanka Dhismaha iyadoo Baraf uu da’ayo, Wuxuuna su’aalo dhowr ah uga jawaabay Waf-fidiyeenkii isugu timid Shirka jaraa’id.

Siyad Said Sala, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota