4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 29, 2016
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sool oo Xilka ku wareejiyay GUDDOOMIYAHA cusub (SAWIRRO)

Isniin, Feberaayo 29, 2016 (HOL) — Munaasabad uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Laascaanood, iyadoo Xafladda laga soo jeediyay hadallo kala duwan oo huwanaa dardaaran iyo tusaalooyin kala duwan.

Xafladda oo ay soo Qaban-qaabiyeen maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa ahayd mid ay ka qayb-galeen madax kala duwan oo ay ku jireen Wasiirro, Guddoomiyeyaal Gobollo iyo kuwo Degmooyin, Waxgarad, Culummo, Ururro iyo Dadweyne kala duwan.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sool, Yaasiin Maxamed Shidde ayaa Warbixiyay wixii u Qabsoomay halkii sano ee uu Xilkaan hayay, wuxuuna yiri. "Wixii ii Qabsoomay intii aan xilka hayay waxaa markhaati ka ah Laascaanood; marka la eego sidii ay ahayd markii aan xilka qabanayay iyo maanta, Hal Laami ayay lahayd Maantana - Shan waddo ayaa kusoo kordhay, waxaa la qabtay hawlo badan qaar kalena waa qabyo." Wuxuuna ka sheekeeyay Himilooyinkii uu Hig-sanayey, isagoo gudoomiyaha Cusub Mustafe Cabdi Ciise kula Dar-daarmay inuu dhamaystiro howlaha qabyada ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool, Mustafe Cabdi Ciise "Shiine" oo laga soo beddeley Gebiley ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweyntii diirranayd ee loo sameeyay, isagoo ballan-qaaday inuu muujin doono wax-qabad lagu faano.

"Anigu kuma cusbi Gobolka iyo Laascaanood… waan joogi jiray oo ka shaqayn jiray, ma noqon doono mid cid gaar ah la safta, waxaana idin kugu shaqeyn doonaa si sinnaan leh," ayuu yiri Shiine, oo codsaday in lagu taageero sidii uu u gudan lahaa howsha dhabarka loo saaray.

Wasiir-u-dowlaha Horumarinta Gobollada Bari ee Somaliland, C/rashiid Xuseen Carab oo isna goobta ka hadlay ayaa wuxuu aad ugu dheeraaday talaabooyinka horumarineed ee laga qabtay gobolka iyo kuwa haatan kusoo wajahan, isagoo xusay in isku-duubni looga baahan yahay bulshada gobolka Sool ku nool.

Dhanka kale, wasiirka ayaa dhaleeceeyay maamulka Puntland oo uu sheegay inay dhibaato kawadaan dooxada WAW oo ku Taalla dulleedka Magaalada Garoowe oo Maalmihii lasoo dhaafay xiisadi ka taagnayd, waxaanu u soo jeediyay inay ka waantoobaan dhul-boobka.

Mas’uuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen wasiir-u-dowlaha maaliyadda, Wasiir xigeenka Waxbarashadda, Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Duqa Magaalada Gebiley iyo Qaar kale ayaa waxayna ka hadleen sidii gacan loo siin lahaa Guddoomiyaha Cusub, iyagoo dhanka kale sagootiyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sool oo Munaasabadda Shahaado Sharaf lagu Guddoonsiiyay.

Ugu dambeyn, Guddoomiyahan oo ah kii toddobaad oo gobolka loosoo magacabo tan iyo sanadkii 2007-dii ayaa la eegi doonaa Tallaabooyinka Horumarineed iyo tan siyaasadeed ee uu soo kordhiyo Gobolka Sool.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool