4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 29, 2016
Tirada Dhimashada ee Qaraxyadii Baydhabo oo Korortay

Isniin, Feberaayo 29, 2016 (HOL)-Tirada dhimshada ee qaraxyadii ka dhacay Baydhabo ayaa korortay oo waxay sare u dhaafeysaa iminka 30 kadib markii dad dhaawacyo halis ah ay soo gaareen ay mar dambe u dhinteen.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegaya in dad badan oo dhaawac uu weeraradaa ka soo gaaray ay geeriyoodeen durba markii isbitaalka la keenay.

Dhaawaca ayaa isna tiradiisu gaareysaa in ka badan 40 qof. Dad ay tiradoodu sare u dhaafeyso tobaneeyo ayaa qaba dhaawacyo halis ah; qaarkood ayaa waxaa laga yaabaa maanta in loo qaado caasimada Muqdisho si halkaas loogu soo daweeyo.

Meelaha qaraxyadu ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ahayd maqaayad dad dhallinyaro u badan ay ciyaar ah kubada cagta ay ku daawanayeen. Si kastaba ha ahaateen goobaha la bartilmaansaday ayaa waxaa badanaa yimaada dhallinyaro, siyaasiyiin iyo weliba dad Soomaaliyeed oo qurbaha kasoo laabtay. Si kastaba ha ahaatee, masuul ka tirsan dawlada Koofur-galbeed Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in siyaasiyiintu aysan badanaa meeshaa imaan.

Si kastaba, waxaa halkaa dadkii ku dhintay kujiray wasiir ku xigeenka Wasaarada Hub Ka Dhigidda Dadka iyo Dhaqan Celinta ee Dawlada Koofur-galbeed Soomaaliya.

Golaha wasiirada ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay weerarada soo badanaya ee Alshabaab. Waxay kale oo ka wada hadleen sida wax looga qaban karo.

Labo maalmood ka hor ayumbay ahayd markii weerar qaraxyo loo adeegsaday lagu qaaday Hotel SYL oo Muqdisho kuyaala halkaas oo ugu yaraan dhawr iyo toban qof ay ku dhinteen. Weerarkaa ayaa waxaa sheegatay xarakada Alshabaab.

[email protected]