4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2016
SAWIRRO: Xaflad lagu Taageerayay Senetor Jeff HAYDEN oo lagu Qabtay Gobolka MINNESOTA

Axad, Feberaayo 28, 2016 (HOL) — Qaar ka mid ah ganacsatada iyo madaxda Jaaliyadaha kala duwan ee Afrikaanka iyo Maraykanka Afrikaanka ah ayaa ka Qayb-galay Xaflad lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, taasoo lagu taageerayay, deeqna loogu uruurinayey Sen Jeff Hayden oo mar kale isku soo sharraxay Kursiga xildhibaanka Baarlamaanka ee uu hadda ku uu fadhiyo.

Martidii, hogaamiyayaashii iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee munaasabada ka Qayb-galay ayaa waxaa marti-qaaday Dr. Siyaad C/llaahi oo ah ganacsade, kana mid ah Madaxda ugu dhaqdhaqaaqa badan bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota. Taasoo muiimada laga lahaa ay ahayd in dhaqaale iyo taageero Sen Jeff Hayden.

Dadkii kulanka joogay ayaa isku raacay sidii dib loogu dooran lahaa Senator Jeff Hayden oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha Aqlabiyada ee Gobolka Minnesota, Dr. Siyad C/llaahi oo ka mid ah dadka u ololeeya, una taagan mar walba sidii uu codkooda ugu hadli lahaa bulshada soo galootiga ah, Afrikanka ama laga badan yahay ee ku nool gobolka Minnesota, isagoo hadal uu jeediyay ku yiri. “Waa mid muiim ah wada-shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Jaaliyadaha Afrikaanka ah, si ay isaga caawiyaan horumarka iyo danta guud ee Bulshada iyo dhammaan Jaaliyaddaha.”

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qayb-galay Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Mark Dayton, Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Minnesota, Senator Tom Bakk iyo madax kale oo badan oo jagooyin kala duwan Minnesota ka haya. 

Dr. Siyad Cabdullaahi oo isagu taageera, aadna ay xiriir wada-shaqeyneed oo fiican la leh Guddoomiyaha Gobolka Mark Dayton, horayna uga mid ahaa dad uu xilal u magacaabay Dayton, xubina ka ahaa guddiga dhanka Maaliyada kala taliya Mark Dayton. Dr. Siyad ayaa ka mid ahaa xubnihii kaalinta libaaxa leh ka Qaatay dib u doorashadii Guddoomiye Mark Dayton. 

Dhanka kale, Xaflada ayaa waxyaabihii aadka looga hadlay waxaa ka mid ahaa, taageerida ganacsiyadda iyo shirkadaha ay iska leeyihiin ama ay maamulaan beelaha laga tirada badan yahay ee ku nool Minnesota. Ganacsatada kasoo jeeda bulshadda iyo Jaaliyadaha laga tiro badan yahay, ayaa iyagu ah laf-dhabarta bulshadda, waxayna aad muhiim ugu yihiin in ay maal soo geliyaan bulshooyinka, iyagoo abuura fursado shaqo iyo waxbarasho.

Haddaba, dib u doorashadda Sen Hayden ayaa la xusay inay fure u tahay, sidii loo ilaalin lahaa, loona horumarin lahaa ganacsiga iyo shirkadaha ay leeyihiin ama ay maamulaan beelaha laga tirada badan yahay.

Ugu dambeyn, Senator Jeff Hayden oo laga soo doorto Xaafadda 62 ee Minneapolis ayaa u mahad-celiyay dhamaan dadkii ka soo qaybgalay  oo isagu jiray dadyowga kala dawan ee dagan Minnesota.

Siyad S Salah, Hiiraan online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota