4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2016
Koox Somali ah iyo kuwa Stockholm oo Arbacada kuwada ciyaari doona Dalka Sweden (SAWIRRO)

Axad, Feberaayo 28, 2016 (HOL) — Maalinta Arbacada oo ay Taariikhda ku beegan tahay 02-da Maarso, 2016-ka, ayaa waxaa Caasimadda Sweden ee Stockholm lagu qaban doonaa Cayaar dhex-mari doonta Xulka Wiilasha Qaranka Somalia ee Cayaaraha Barafka BANDY oo lasoo xulay iyo koox ka socota Gobolka Stockholm.

Cayaartaan oo ka dhicaysa Garoonka Zinkensdamms IP oo Stockholm ee Xarunta Sweden ku yaalla, ayaa la filayaa in wiilasha Qaranka Soomaaliyeed ee BANDY ay wacdaro kusoo Bandhigaan, kaddib cayaaro ay kaga Qayb-galeen dalalka caanka ku ah ciyaaraha Kubadda barafka, ayaa waxaa u suuro-gashay inay la kulmaan kooxda matalaysa gobolka Stockholm oo ah kuwa ugu Quwadda badan Sweden marka la eego Cayaarahan.

Sidoo kale, cayaarta oo ah mid leh xiiso gaar ah ayaa waxaa waqti aad u fara badan geliyay Abuukar Aadan "[Boss Caato] oo ah Shaqsi laga Qadariyo dalka Sweden. Isagoo kulammo kala duwan la Qaatay Maamulka Gobolka Stockholm, isagoo ka Dhaadhiciyay inay Fursad aad u weyn oo u tahay Soomaalida ku nool dalka Sweden ayna ku daawan karaan Cayaarta BANDY cayaartoyda metelaya Soomaaliya, Waxaa kaloo muhiim ah buu yiri is-dhexgalka iyo Wada-shaqeynta Jaaliyadaha Soomaalida ee ku kala dhaqan Waddanka Sweden.

Cayaarta SOMALIA vs STOCKHOLM ayaa dhacaya Maalinta Arbacada ah; 02-da March 2016, xilliga u dhexeeya 16:30 PM illaa 17:45 PM oo ah, iyadoo Cayaartu ka dhici doontaa Garoonka BANDY ee Zinkensdamms IP Ringvägen 16, 117 26 Stockholm, Dalka Sweden. Iyadoo daawashada ciyaartuna ay tahay lacag la’aan ah ama bilaash ah.

Ugu dambeyn, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Stockholm iyo Taageerayaasha xulka Somalia ayaa loogu baaqay inay kasoo Qayb-galaan cayaarta, waxaana xubnaha Taageerayaasha ah laga Dalbaday inay horay u soo qaataan Astaamo Muujinaya Soomaalinimo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya