4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2016
Kulan Tayeynta Afka Soomaaliga looga Hadlayay oo Maanta MUQDISHO lagu Qabtay (SAWIRRO)

Axad, Feberaayo 28, 2016 (HOL) — Aqoon-is-weydaarsi looga hadlayay sidii loo Tayeyn lahaa Adeegsiga Afka Soomaaliga, ayna ka qayb-galeen mas’uuliyiin kala duwan, Aqoon-yahanno, xeel-dheerayaal ku takhasusay afka & marti-sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Kulankaan, ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray doorka ay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta, Waxbarashada iyo maamulku ka qaadan karaan xoojinta iyo hagaajinta Afka Soomaaliga, Waxaaana kulankan soo Agaasintay Akadeemiyo goboleedka Af-Soomaaliga iyo Naadiga Somali Pen ee hal-abuurka iyo qalinleyda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Golaha baarlamaanka Soomaaliya, xildibaanad Maryan Cariif Qaasin oo Madasha ka hadashay ayaa Waxay ka warbixisay kaalinta ay Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga ka Qaadanayso Horumarinta Af Soomaaliga, iyadoo Xustay in Akadeemiyadu ay ka go'an tahay ilaalinta iyo xoojinta Afka Soomaaliga, waxayna intaa ku dartay in wax walba ay ka hor-marinayaan sidii loo adeegsan lahaa Af Soomaali sax ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Akadeemiye Goboleedka Afka Soomaaliga, Maxamed Daahir Afrax oo isagana munaasabadda ka hadlay ayaa wuxuu ka sheekeeyay sida ay warbaahintu u adeegsan karaan Afka Soomaaliga, isagoo xusay in looga baahan yahay Warfaafinta sidii ay kaalin uga Qaadan lahaayeen Tayeynta Afka Soomaaliga, wuxuuna soo bandhigay SAX iyo KHALAD  sida ay Saxaafaddu u adeegsato Afka Soomaaliga.

Prof. Maxamed Daahir Afrax oo ka hadlayay Xaaladda uu ku sugan yahay Afka Hooyo ee Soomaaliga ayaa xusay inuu Afku ku jiro Xaalad tayo-beel ah, isagoo ku nuux-nuuxsaday inay lagama maarmaan tahay in loo Hawl-galo sidii la isaga kaashan lahaa kor u Qaadidda Afka Hooyo.

Kulankii Aqoon-wadaagga waxaa iyana hadalo kala duwan ka soo jeediyay guddoomiyaha Somali Pen, C/naasir Yuusuf Macalin, Guddoomiyaha Jaamacadda Koonfur-Galbeed Prof. Maxamed Cali Kalaay, Agaasimaha Machadka ISOS oo Hoos-taga Jaamacadda Muqdisho, kana mid ah madaxda Akadeemiyada Prof Mustafa C/llaahi Feyruus iyo Danjiraha Somalia ee Dalka Qadar Dr Cumar Sh. Cali Idiris (Cumar Dheere), iyagoo si qoto-dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay tayaynta Afka Soomaaliga.

Dhanka kale, Qaar ka mid ah ka dadkii ka qayb-galay aqoon-is-weydaarsigaas ayaa Su'aalo kala duwan oo ku saabsanaa adeegsiga Wanaagasan ee Afka Soomaaliga kusoo Bandhigay, iyadoo laga siiyay dhammaan su’aalahoodii jawaabo waafi ah.

Ugu dambeyn, Aqoon-is-weydaarsigan oo ku dhacay jawi wanaagsan ayaa waxaa lagu soo Ban-dhigay Buugag kala duwan oo ku Qoranaa Afka Soomaliga, Waxaana lagu Daawaday Suugaan aad u xiisa badan oo ka Hadlaysay Afka iyo kor u Qaaddidiisa, iyadoo Qabashada aqoon-is-weydaarsiga uu qayb ka yahay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka HOOYO.    

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya