4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2016
SAWIRRO: Mugabe oo 92-jirsaday lana sheegay inuu yahay Hogaamiyaha ugu WEYN Caalamka

Axad, Feberaayo 28, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo u dabaal-dagay Sabtidii shalay 92-sano guuradiisii ayaa noqday Madaxweynaha ugu da’da weyn caalamka, iyadoo xaflada dhalashadiisa oo la sheegay inuu ku baxay dhaqaale badan lagu qabtay magaalada Masvingo  oo ku taalla Koonfur-bari dalka Zimbabwe.

Xafladda dabaal-dagga Mugabe ayaa waxaa ka qaybgalay kumannaan qof oo ka soo jeeda beelaha Bantu and Shona oo deegaanno taariikhi ah ku leh Zimbabwe, iyadoo la sheegay in xafladdan ay ahayd middii ugu weynayd ee waddankaas ka dhacda sannadihii u dambeeyay.

Mugabe ayaa wuxuu cirka u diray 92 buufin, taasoo muujinaysa inuu da’ ahaan gaaray 92-sano, waxaase si aad ah u dhaleeceeyay dabaal-daggaan qaar ka mid ah shacabka dalkaas, iyagoo ku tilmaamay mid aan habboonayn.

Boqorada Britain, Elizabeth ayaa ah Hoggaamiyaha ugu da'da weyn Dunida, maadaama ay da'deedu kor u dhaaftay 95-sano, laakiin Mugabe ayaa la sheegay inuu Madaxweyne yahay oo uusan ahayn boqor, sidaas awgeedna uu yahay madaxweynaha ugu weyn Caalamka.

Dadka dhaleeceeya siyaasadda Mugabe ayaa sheegay in dhaqaalaha xafladda ku baxaya oo aad u badan ay ahayd in la siiyo dad badan oo Reer Zimbabwe ah oo noloshoodu ay tahay mid aad u hooseysa, laguna soo beegay xuska dhalashadiisa xilli qaybo ka mid ah wadanka ay abaaro xooggan ka jiraan.

“Goobaha ay Abaaraha xooggan ka jiraan ayay ka mid tahay Magaalada Masvingo oo lagu qabanayo xafladda dabaal-dagga dhalashada Mugabe,” ayay yiraahdeen dadka dhaleeceeya Mugabe, iyagoo intaas ku daray in Xafladdaan aysan ahayn mid xilligan oo kale ku haboon in lagu Zimbabwe.

Sidoo kale, Mugabe oo ay garabkiisa taagnayd xaaskiisa Grace Mugabe oo aad uga da’ yar saygeeda ayaa hadal uu xafladda ka jeediyay ku dhaleeceeyay waddamada reer galbeedka, isagoo xusay inay doonayaan inay dunida oo dhan ku qabsadaan wax yar oo gargaar ah oo ay siiyaan, balse taas innagu waanu diidnay.

“Innagu ma doonayno Gargaarka san-dareertada ah ee ay bixiyaan… waayo waa mid ay ku doonayaan inay nagu qabsadaan,” ayuu yiri Mugabe oo sheegay inay ka deeqtoon yihiin shacabka Zimbabwe gacan-hoorsiga Reer Galbeedka.

Mugabe ayaa tan iyo sanadkii 1980-kii markii Zimbabwe ay xorriyada ka qaadatay Britain wuxuu ahaa Madaxweynaha Dalkaas, iyadoo aysan jirin cid kale oo Xukunka ku Qabsatay, Waxaana Reer Galbeedku ay ku tilmaamaan inuu yahay hoggaamiye kaligii-taliye ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe oo Sannadkii 2015-ka ee lasoo dhaafay ahaa Guddoomiyaha Midowga Afrika, wuxuuna Hoggaamiyeyaasha Afrika dhowr jeer ugu baaqay inay ka Shaqeeyaan isku Filaasho ay kaga Kaaftoomaan Gargaarrada ay ka helaan dalalka calaamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya