4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2016
Isbahaysiga Madaxweynaha dalka Iran oo Guulo ka gaaray doorashadii Iiraan ka dhacday Jimcihii


Axad, Feberaayo 28, 2016 (HOL) — Isbahaysiga Madaxweynaha Iiraan, Hassan Rouhani oo ah Isbedel-doon ayaa guulo waaweyn ka gaaray doorashadii ka dhacay Iiraan, iyadoo la filayo inay kuwada guuleystaan kuraasta Caasimadda Iiraan ee Tehran.

Doorashadan oo dhacday Jimcihii lasoo dhaafay ayaa ahayd tii ugu horreysay oo ka dhacda Iiraan tan iyo markii uu Xukuumadda Tehran ay Heshiiska Xakameynta Nuclear-ka ahaa la saxiixatay Waddamada adduunka ugu quwadda weyn.

Shacabka Iiraan ayaa dooranayay xildhibaanada Baarlamaanka dalkaas oo 290 xubnood ka kooban, iyagoo sidoo kale soo dooranayay golaha khuburada oo ah Golaha keliya ee Gaari kara go’aannada siyaasadda arrimaha dibadda Iiraan, kaasoo ka kooban 88-xubnood.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabaa inay magacaabaan ninka bedeli doona Ayatollah Ali Khamenei oo ah 76-jir oo Golahaan muddo dheer soo maamulayay, kaasoo Caafimaadkiisa la sheegayo inuusan xilligaan Wanaagsanayn.

Musharraxa Kooxaha Mayalka-adag ee Waddanka Iiraan, Ayatollah Taghi Mesbah Yazdi, ayaa guuldarro weyn kala kulmay Doorashada Isagoo meel hoose ku jira haatan kaga jira tirinta codadka doorashooyinkii Iiraan ka dhacay Jimcihii hore.

Ugu dambeyn, Xubnaha Isbedel-doonka ah ee ee Iiraan ayaa xoogga saaraya sidii ay Maal-gashi shisheeye ugu heli lahaayeen Dalkooda, maadaama laga qaaday cunno-qabateyntii ay horay u saareen Waddamada Reer Gaobeedka.

Si kasta ha ahaatee, dalka Iiraan oo ah Jamhuuriyad Islaami ah ayaa waxaa ka muuqanaysa xilligan furfurnaan dhanka siyaasadda ah, iyadoo shacabka Iiraan ay Muujinayaan Rajo ah in dalkooda ay ka dhacaan isbedello muuqda sannadaha soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya