4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2016
C/WELI GAAS: Sababta aanu 4.5-ka u diidayno waa in Somalia ay ka Gudubto Meesha ay Joogto


Axad, Feberaayo 28, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in Puntland aysan Wax dan ah ugu jirin in nidaamka 4.5-ka, isla markaana Puntland ay ogoshahay in lagu soo xulo Xildhibaannada soo socda ee Soomaaliya ay yeelanayso hab deegaan.

C/weli Gaas oo u Warramayay VOA-da, ayaa la weydiiyay su'aal ahayd waxa kallifay inuu kasoo horjeesto in habka 4.5-ka ah wax lagu soo doorto sannadkan, wuxuuna ku jawaabay.

“Sababuhu waa fara badan yihiin… Tan hore waa Soomaalidu inay horay ugu heshiisay in aan nidaamka 4.5-ka ah wax lagu qaybsan waxaana heshiiskan lagu gaaray shirkii ay isugu isugu timid bishii, bishii December ee Sannadkii 2011-kii ee Garoowe I, kaasoo micnihiisu ahaa inaan doorashadii sannadkii 2012-kii, Wixii ka dambeeya aan wax lagu soo xuli karin nidaamka 4.5.”

Madaxweynaha Puntland oo sii sharraxayay arrintan ayaa sheegay in sidoo kale Dastuurka Somalia Qodobbadiisa koowaad illaa shanaad, inay ku caddahay inaan wax kasta oo dhaca, xitaa haddii ay dhici waydo doorasho Qof iyo Cod ah in wax aan lagu soo xuli karin habka 4-5-ka ah, ayna ugu dambeynayso 2012-ka.

Gaas ayaa intaas ku daray in isagoo ah RW Somalia uu heshiiskaas saxiixay, isla Markaana uu dhankiisa ka saxiixay Madaxweynihii Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii KMG-ka ee Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Waxyaabaha aanu ka Fikirayno markaan leennahay Deegaan wax ha lagu Qaybsado waxa weeye, xildhibaanka ka imaanaya degmada Luuq inuu ka fikiro iskuulka Luuq, shacabkuna ay noqdaan kuwo la xisaabtama xildibaanka oo ay yiraahdaan Afar sano ayaad xildhibaan nooga ahayd baarlamaanka ee maxaad keentay, Tan la doonayana waa in la helo Metelaad shacab oo dhab ah, tan aan ka hadlayana waa taas,” ayuu hadalkiisa ku daray C/weli Gaas.

DHAGEYSO: Wareysigii uu Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu siiyay VOA;

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Nidaamka 4.5-ka haddii uu sii socdo aysan jirin wax iska bedelaya sida uu hadda Dalku yahay, balse haddii laga gudbo, waxaan qabaa buu yiri in lagu tallaabsanayo horumarka Somalia in la gaarsiiyo la doonayo, Waayo caalamka oo dhan ma jirto meel awoodda lagu wadaago ama lagu qaysado qabiil iyo wixii la mid ah.

Madaxweyne Gaas ayaa la weydiiyay su’aal ahayd; Dad badan waxay leeyihiin, sababta ay Puntland ugu dheggen tahay in deegaan wax lagu soo xulo ay tahay inay u aragto midda ay ku heli karto Sad ka badan midka Maamullada la midka ah ay helayaan, isagoo Su’aashaas kaga jawaabay.

“Arrintaas marar badan ayaa la i weydiiyay… xitaa Ajaanibta noo imaanayay Arrintan way i weydiiyeen… waxayna igu yiraahdeen waxaad ka hadlayso ma tiraa mise waa Aaminaad, waxaana u sheegay in waxa aan ka hadlayno ay tahay aaminaad ee aysan sad-bursi ahayn,”

Isagoo hadalka wata ayuu xusay inaysan jirin wax Puntland ay ku helayso oo aysan Xamar, Kismaayo iyo Baydhabo ku helayn. Laakiinse waxa ay doonayaan inay tahay in laga gudbo nidaamka 4.5-ka oo loo gudbo hannaan deegaan, si Somalia ay dowladnimo dhab ah gaarto oo meesha hadda la taagan yahay laga gudbo.

Su’aal kale oo la weydiiyay C/weli Gaas ayaa ahayd, mar la eego nidaamka wax qaybsiga, waxaa la leeyahay sidee ku doonaysaa Puntland inay Somalia ugu soo gudbiso nidaam aysan iyaduba aysan qaadan, wxuuuna kaga jawaabay.

“Maya… taas waxba kama jiraan, baarlamaanka Puntland wuxuu ku dhisan Hab Deegaan, waxaana lagu soo xulaa hab deegaan, haddaan tusaale u soo qaato; Gobolka Mudug wuxuu leehayay 10-xildhibaan, Gobolka Nugaal wuxuu leeyahay sagaal xildhibaan, Gobolka Sool wuxuu leeyahay 17-xildhibaan, Gobolka Bari wuxuu leeyahay 21-xildhibaan, Qaababkaas ayaana lagu soo doortaan. Dabcan deegaannada qabiillo ayaa deggen, balse habka Puntland ay wax kusoo xulato waa qaab deegaan, sidaas ayayna xildhibaannadeedu ku yimaadaan.”

Ugu dambeyn, Wareysiga Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo dheeraa; ayaa Wuxuu inta badan Carrabka ku adkeynayay in sababaha ugu waaweyn ee ay u doonayaan in 4.5-ka laga gudbo ay tahay in Soomaaliya ay u gudubto Dowladnimo dhab ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya