4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2016
Siminnaar la Xiriira Maamulka Aqoonta oo lagu Qabtay Xarunta Jaamacadda Banaadir (Sawirro)

Axad, Feberaayo 28, 2016 (HOL) — Dhismaha Jaamacadda Banaadir ee Muqdisho ayaa waxaa gellinkii dambe lagu qabtay tababar ku saabsan maamulka Aqoonta, kaasoo ay ka faa’iideysteen arday fara badan oo wax ka barta Jaamacadda.

Casharkan ayaa waxaa ka qayb-galay Mas’uuliyiin ka tirsan Jaamacadda, qaar ka mid ah hormuudyada kuliyadaha iyo inta Ardayda Jaamacadda Banaadir wax ka barta.

Hormuudka Kuliyadda Xogta Tiknloloojiyada IT ee Jaamacadda Banaadir, Inj. Maxamed Xuseen Caadil ayaa hadallo ku furay siminaarka; isagoo xusay in mowduuca laga hadlayo uu yahay mid leh muhiimad wanaagsan uuna bixinayo Prof. Nuur Diiriye Fursade; ayna ku jirto Aqoon ballaaran.

“Raadinta aqoontu heerar kala duwan ayey soo martay, hadda waxay mareysaa heerkii ugu fiicnaa; waayo Tiknolojiayadda casriga ah ee lagu Tallaabsaday ayaa Horumar weyn kusoo kordhisay taasoo Fududeysay wax badan oo dhibaato aad u badan laga mari jiray,” ayuu ku yiri casharradiisa macallinkii bixinayay.

Qaar ka mid ah ardayda jaamacada Banaadir ayaa su’aalo ku saabsan casharka laga bixiyay siminnaarka weydiiyay macallinka bixinayay, iyadoo macallinku uu uga jawaabay ardayda su’aalihii ay weydiiyeen.

Hormuudka kuliyada Injineeriyada ee Jaamacadda Banaadir Inj. Jimcaale oo xillligii dalka ay ka jirtay dowladdii horena uu ahaa hormuudka isla kuliyaddan ee Jaamacadii Ummadda oo ereyo kooban jeediyey ayaa ka warramay faa’iidada ay leeyihiin casharada noocan ah.

Madaxa Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo gunaanadkii tababarka hadal kooban jeediyay ayaa uga mahad-celiyey Prof. Nuur Diiriye casharradii uu Jaamacadda ka bixiyay oo uu ku tilmaamay kuwo wax weyn ku kordhinayo Aqoonta Ardaydii iyo Aqoon-yahanadii kale ee ka faa’iideystay.

“Waxaan aad ugu faraxsan-nahay inaan isugu nimid dhegeysiga Casharkii koobnaa Laakiin Nuxurka badnaa, mana ahan markii ugu horreysay ee Casharo Nooacan oo kale ah ah uu ka bixiyo jaamacada Prof. Nuur Diiriye,” ayuu intaa ku daray Dr. Dalmar.

Ugu dambeyn, Jaamacadda Banaadir oo ayaa waxaa marar badan lagu Qabtay Siminnaaro Noocaan oo kale ah, kuwaasoo ay ka faa’iideystaan ardayda Jaamacadda Banaadir wax ka barta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya