4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2016
Dadka ku nool Deegaanada Bariga iyo Galbeedka Boorama oo loo sameeyay BIYO dhaamin


Axad, Feberaayo 28, 2016 (HOL) — Maamulka Gobolka Awdal ayaa waxay biyo dhaamin ka Sameeyeen Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, Biyahaas ayaa waxa Deeq ahaan u bixisay hay’ada Islaamiga ah ee Suna Khayriya ee Hargeysa fadhigeedu yahay.

Deeqdan ayaa waxay ka kooban tahay 50 booyadood oo biyo ah kana qaybisay deegaanada Bariga iyo Galbeedka kaga beegan Boorama ee Gobolka Awdal, iyadoo ugu Horreyn laga billaabay deegaanka Sheekh Yuusuf oo Koonfureed ka xiga Magaalada Boorama, waxaana deegaankaas uu 5-km u jirtaa Magaalada Boorama.

Xoghayaha gobolka Awdal, Asad Cabdi Jaamac oo ka Hadlaya Deeqdaan Biyo-dhaaminta ah ayaa yiri. “Tani waxay Tilmaamaysaa in Deegaanadii Boorama ku hareereysnaa oo biya la’aani ka jirtay inay dadkoodu heleen biyihii ay u baahida u qabeen.”

“Anigoo ku hadlaya magaca maamulka gobolka oo uu ii wakiishay guddoomiyaha gobolka howshan fulinteeda, waan idin kaga mahad-celinayaa biyo-dhaamintan aad u samayseen dadka biyaha u baahan ee ku nool hareeraha Degmada Boorama,” ayuu ku daray hadalkiisa Xoghayaha Gobolka Awdal, Asad Cabdi Jaamac.

Sidoo kale, Dadweynaha ku nool deeganada biyo-dhaaminta loo sameeyay ayaa ka mahad-celiyeen kaalmadan, waxayna xuseen inay muddo saddex sano ah ay iska abaareysnaayeen, isla markaana ay ceelashii biyaha ay ka dhaansan jireen ay ay gureen Xooluhuna ay biyo u baahnaayeen, iyagoo intaasi ku daray inay biyaha loo keenay aad ugu baahnaayeen.

“Biyo dhaamintan waxay timid kaddib markii ay heleen baaq maamulka gobolka Awdal inooga yimid. Waxaan gobolka u keenay 50-booyadood oo biyo ah, iyadoo ay qayb ka noqon doonaan biyo-dhaaminta aan wadnay,” ayay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda biyo-dhaaminta sameysay u sheegeen Warbaahinta.

Ugu dambeyn, deeqdan biyaha ah ayaa ahayd mid baahi wayn ay u qabteen dadka ku nool deegaannada la gaarsiiyay, waxayna kusoo beegmaysaa xilli ay ka jiraan gobolka Awdan abaaro dad iyo duunyaba saameyn xooggan ku yeeshay.

Nuux Kadiye, Hiiraan Online
Boorama, Gobolka Awdal