4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2016
Hilary Clinton oo Kuguuleysatay Doorashada South Carolina

Axad, Feberaayo 28, 2016 (HOL)-Hillary Clinton ayaa ku guuleysatay doorashada South Carolina ee tijaabada ah ee xisbigeeda Dimoqraadiga Sebtidii shalay.

Hillary ayaa codadka ugu badan ka heshay dadka madowga ah. Guushaan ayaa ay soo hoysay ayadoo Talaadadana la filayo doorasho kale oo tijaabo ah waa maalinta lagu magacaabo 'Super Tuesday'. Saddex maalmood oo qura ayumbaa doorashadaa ka harsan qabashadeeda.

Hillary Clinton ayaa kaga adkaatay doorashadii shalay Bernie Sanders ayadoo gobolkaa ay ku nool yihiin dadyow asal ahaan kala duwan taasoo muujisay in ay kujirto isbaheysi sal ballaaran.

Talaadada ayaa waxaa la filayaa inay so hoyso guulo fara badan oo kale ayadoo ilaa 11 gobol laga codeyn doono.