4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2016
Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Dhigiisa Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle (SAWIRO)


Axad, Feberaayo 28, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa Gellinkii dambe ee Shalay kulan Gaar ah kula yeeshay Magaalada Jabuuti Madaxweynaha, Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyn ayaa kulankooda uga hadlay xaalada amniga gobolka, La-dagaallanka Argagixisada, is-kaashiga labada Waddan iyo xoojinta ciidanka dalka Somalia iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.

Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa dalka Jabuuti Geelle uga mahad-celiyay doorka Jabuuti ay ku leedahay Xasilinta iyo dib-u-dhiska Somalia, isagoo sheegay in howsha ay hayaan ay tahay mid lagu badbaadinayo Somalia.

Sidoo kale, Geelle ayaa Dhankiisa sheegay in uu ku Faraxsan yahay Horumarka ay Gaartay Soomaaliya, Dalkiisana ay ka go'an tahay inuu garab-taagnaado Walaalahooda Soomaaliya oo uu sheegay inay dhibaatooyin badan soo mareen.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi ballaaran uu Hogaaminayo ayaa uga qayb-galaya Jabuuti shir-madaxeedka waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee hoos yimaada hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dalka Jabuuti, ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay Ciidamadu kaga sugan yihiin Somalia, waxaana ciidamadoodu ay ka hawl-galaan gobolka Hiiraan iyo qaybo ka mid ah bartamaha Somalia, iyadoo shirka ka furmay looga hadlayo xoojinta howlgalka Ciidamada AMISOM.

 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya