4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2016
JEN. TUUR-YARE: Amniga Xamar wixii hadda ka dambeeya waxaa mas’uul ka ah Madaxda Gobolka


Axad, Feberaayo 28, 2016 (HOL) — Taliyaha Nabad-sugidda Soomaaliya, Jen, C/raxmaan Tuur-yare ayaa shaaciyay in wixii Maanta ka dambeeya ay Ammaanka Muqdisho ka yihiin mas’uul xubnaha Hoggaanka Gobolka haya, wuxuuna taliyuhu hadalkaan ka sheegay kulan looga hadlayay Amniga oo xalay ka dhacay Muqdisho.

Jen. Tuur-yare ayaa intaas ku daray in shirkii Ammaanka looga hadlayay lagu Go’aamiyay in Amniga Muqdihso la adkeeyo, lagana doonayo howshaas inay qabtaan ma’suuliyiinta ka taliya caasimadda, lagana caawiyo sugidda Ammaanka.

“Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adihiisa Amaanka ayaa Mas’uul ka ah wixii hadda ka dambeeya Amniga Muqdisho, waxaan ku wargelinayaa inaysan cidna ku halleyn Ammaanka Caasimadda, waxaana amniga Magaaladan loo sugayaa wixii hadda ka dabeeya sida Dunida looga dhaqmo oo kale,” ayuu ku daray hadalkiisa taliyaha Sirdoonka.

Sidoo kale, Jen. Tuur-yare ayaa carabka ku dhuftay in maamulka gobolka Banaadir ay kula Xisaabtami doonaan wixii hadda ka dambeeya amniga Muqdisho, isagoo intaas ku daray in markii hore uu meesha ka Maqnaa isku xirka Hay’adaha Amniga, Shacabka iyo Maamulka degmada, balse hadda la hagaajiyay.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in Taliyeyaasha Ciidamada Amniga Muqdisho la hoos-geyn doono Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Baaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale; ayna isaga ka Amar-qaadan doonaan, isagoo Xusay in la isla gartay in maamul kasta oo ka jira dalka Amniga magaaladiisa uu mas’uul ka noqdo.

Jen. Tuur-yare ayaa tilmaamay in wixii hada ka dambeeya maamulka Gobolka Banaadir ay ka Caawin doonaan Tababbarka Ciidamada iyo Qalabeyntooda, isagoo Hoosta-ka-xariiqay inay Howshoodu noqon doonto inay aadaan furmiha dagaalka.

“Taliye Nabadsugid iyo mid Booliisba waxay hadda kadib raacdeyn doonaan cid walba oo cadow ah, waxaan aadi doonnaa Degmada Saakow iyo Meelaha ay Al-shabaab weli joogto. Amniga Gobolkan Mas’uuliyiintiisa ayaa la weydiin doonaa, Ciidamada Nabad-sugidda ee aan bannaanka ugu talo-galnay ayaa la howl-gelinayaa, waxayna la shaqeynayaan ciidanka millateriga.Magaaladaan Xamar dadkeeda ayaa ka shaqeyn doonaa, Shaqadana waa la kala saari doonaa,” ayuu mar kale yiri Jen. Tuur-yare.

Ugu dambeyn, Go’aankaan ayaa imaanaya iyadoo Habeen ka hor ay Muqdisho ka dhaceen Qaraxyo iyo weerar toos ah oo ay ku dhinteen in ka badan 30-ruux, in ka badan 60-ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana mas'uuliyadda weerarkaas oo lagu beegsaday Hoteel SYL sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya