4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2016
Siilaanyo oo Magacaabay Laba Guddi oo kala ah - kan Aqoonsi Raadinta SL iyo kan Xuska 18 May


Sabti, Feberaayo 20, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Siilaanyo ayaa maanta Magacaabay Laba Guddi oo ka kala shaqayn doonta Aqoonsi Raadinta SL iyo Guddida Qaban-qaabadda Xuska 25-aad ee Madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May.

War-saxaafadeed uu ku Saxiixan yahay Afhayeenka Madaxweynaha C/raxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) ayaa lagu sheegay loo Magacaabay Ictiraaf Raadina Somaliland oo ay ku jiraan Wasiirradii Arrimaha Dibadda Somaliland soo maray  Wakhtigii Daahir Rayaale iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo Wuxuu Wareegto Madaxweyne oo Sumaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqeyn doona Aqoonsi Raadinta Jamhuuriyada Somaliland,” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedkaas.

Wareegtadaan Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta ayaa u dhignayd Sidan:

“Sida aad la socotaan, Waxay Xukuumadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyada Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddi heer Qaran ee Ictiraaf raadinta Somaliland. gudiga waajibaadkiisa shaqo waxaa bar-tilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka talo-bixinta wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map).

01. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Sacad Cali Shirre, Guddoomiye
02. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi
03. La-taliyaha Madaxweynaha ee Ictiraafka & Wadahadalada Cawil Cali Ducaale
04. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda
05. Wakiilka Wareega ee Somaliland, Raabi Axmed Mohamed
06. Wakiilka Somaliland ee Turkiga, Cali Axmed Cismaan
07. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda, Edna Aadan Ismaaciil
08. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda, Prof. Maxamed Siciid Gees
09. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda   Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
10. Wasiir Hore, Kalluumaysiga   Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
11. Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
12. Proffesor, Macalester College, Minnesota, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar
13. Dean, Kuliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeysa, Maxamuud Xuseen Faarax
14. Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah   Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac
15. Guddoomiyaha Gudiga Arr. Dibedda ee G.Wakiilada, Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe
16. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida, Axmed Daahir Jirde
17. Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe
18. Xoghayaha warfaafinta xisbiga WADANI Boobe Yuusuf Ducaalle.

Sidoo kale, Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso Arrintaani inay Guddida Gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa Magacaabay Gudiga Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18-ka May.

“Sida aad la socotaan waxaa fooda inagu soo haya haddii EEBBE idmo Xuska 25-Guurada Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May, taasoo loo baahan-yahay in sanadkan loo Xuso si weyn, isla markaana Shacabka Somaliland ay Beesha Caalamka u soo Bandhigaan dareenkooda Qarannimo meel kasta oo ay Dunida Dacalladeeda ka joogaan.Sidaas darteed, Waxaanan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabada Xuska 25-aad ee Maalinta Qarannimada 18 May,” ayaa lagu yidhi qoraalka xafiiska madaxweynaha ka soo baxay.

Xubnaha Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May:

01. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,                                  Guddoomiye
02. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                             Guddoomiye Ku-xigeen
03. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga                                                            Xubin
04. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka,                           Xubin
05. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada,                                                 Xubin
06. Maayarka Caasimadda Hargeysa,                                                                      Xubin
07. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka.                                       Xubin
08. Sharmarke Axmed Muxumed (Xoghayaha Golaha Wasiirrada),                     Xoghaye
09. Caydaruus Mahdi Xaashi (Habmaamuus ku-xigeenka Madaxtooyada),          Xubin
10. Mustafe Sacad Dhimbiil (SONSAF), Xubin
11. Maxamed Axmed Maxamuud (SONSAF), Xubin
12. Nafisa Yuusuf Aw Muxumed (NEGAAD), Xubin
13. Siyaad Cumar Cali (SONYO), Xubin

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland