4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2016
Madaxweyne YOWERI Kaguta MUSEVENI oo ku Guuleystay Doorashadii Madaxnimo ee UGANDA


Sabti, Feberaayo 20, 2016 (HOL) — Guddiga doorashooyinka Qaranka Uganda ayaa goor-dhow ku dhawaaqay natiijadii kama dambeysta ahayd ee Doorashada iyagoo sheegay inuu Madaxweynaha Muddada Dheer Xukumayay Dalkaas ee Yoweri Kaguta Museveni uu ku Guuleystay Doorashada Madaxnimo ee Uganda.

Badru Kiggundu, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Uganda ayaa ku sheegay hadal uu Warbaahinta siiyay in Museveni uu ku Guuleystay Doorashadii madaxweynenimo ee Waddanka Uganda ka dhacday Khamiistii lasoo dhaafay.

“Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa ku Guuleystay Doorashadii Madaxnimo ee Uganda ka dhacday, Wuxuuna helay codad gaaraya 61.88%. Kizze Besigye oo aad ugu soo dhawaa ayaa isagana helay 34.18%,” ayuu yiri Badru Kiggundu.

NATIIJADII: Murashaxiinta ku Tartamayay Doorashadii UGANDA ay kala Heleen;

Natiijada kama dambeysta ah ee ay Guddiga Doorashooyinka Uganda ku dhawaaqeen ayaa Waxaa kasoo horjeestay Xisbiga Mucaaradka ah ee FDC oo uu Kizze Besigye hoggaamiyo iyagoo ku sheegay War-saxaafadeed ay soo saareen in aysan Natiijadaan soo baxday ahayn mid cadaalad ah.

Besigye, ayaa weli u xiran Ciidamada Booliiska Uganda, kuwaasoo shalay gellinkii dambe ka qabtay Xarunta xisbigiisu uu ku leeyahay caasimada Uganda ee Kampala, kaddib markii ciidamadu booliisku ay xoog ku galeen.

Doorashadii Khamiistii hore ka dhacday dalka Uganda ayaa ka dhigaysa markii shanaad oo uu Madaxweyne Museveni ku Guuleysto, kaddib 30-sano Dalkaas soo Xukumayay, isagoo sidoo kalena sannadaha soo socda sii xukumi doona Uganda.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni oo 71-jir ah ayaa awoodda xukunka Uganda wuxuu kula wareegay dagaal jabhadeed sannadkii 1986-kii, tan iyo Xilligaas isaga ayaa xukumayay dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya