4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2016
MADAXWEYNAHA: Canshuurta Qaadka ayaanu Badinaynaa si Dadku ay isaga dhaafaan (Sawiro)

Sabti, Feberaayo 20, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo ka Qayb-galay maanta Barnaamij ay shacabka Soomaaliyeed su’aalo ku weydiinayeen ayaa sheegay in Qaadka/Jaadku uu Dhibaataooyin badan ku hayo Dadka Soomaaliyeed, ayna sameeyaan qorshe Bulshada looga wacyi-gelinno Qaadka iyo Dhibaatooyinkiisa.

Xasan Sheekh oo Hadal ka jeediyay Barnaamij loogu Magac-daray Daah-furka Dowladda ayaa intaas ku daray in meelo badan oo Dunida ka mid ah Qaadka laga mamnuucay, balse ka Dowlad ahaan ay sameynayaan Qorshe Shacabka looga Wacyi-gelinayo Dhibaatada uu Qaadka/Jaadku leeyahay.

“Go’aan ay dowladdu ku mamnuucayso Qaadka waxay u baahan tahay waqti badan, balse culummada iyo Bulshada Rayidka ah Waxaanan ka rabnaa inay door ka qaataan ka Wacyi-gelinta bulshada dhibaatada uu Qaadka/Jaadku leeyahay, Dowladduna waxay sameynaysaa inay lacagta ugu badan ee Canshuurta ah laga qaado Qaadka, si bulshadu Soomaaliyeed ay si sahlan u dhaafi lahaayeen Cunistiisa iyo gadashadiisa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

IS-AAMINKA SHACABKA IYO DOWLADDA; Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Aaminaada shacabka Soomaaliyeed ay aamisan yihiin Dowladdooda ayaa xusay inay tahay muhiim in shacabku ay ku kalsoonaadaan Mas'uuliyiintooda, wuxuuna intaas ku daray inuu Barnaamijka Daah-furka Dowladeed uu Qayb weyn ka qaadan karto in is-aamin iyo weliba isla-xisaabtanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Si aan Nidaam iyo Hab aan isku Aaminno u sameysano, Nidaamka Dowladnimada ayaa u baahan in la aamino, Shaqsiga amanta xilka haya berri wuu ka tagayaa, howshan maanta u joognana waa Tallaabada lagu sixi karo Nidaamka Dowlad-nimada,” ayuu Madaxweynaha Somalia ku daray hadalkiisa.

AMNIGA IYO MUSHAARKA CIIDANKA; Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sidoo kale ka hadlay Arrimaha Ammaanka iyo Mushaaraadka Ciidanka Dowladda Somalia, ayaa yiri. “Arrinta Ammaanka iyo bixinta mushaaraadka ciidanka waa mid waajib ah, waa suuro-gal in mushaarka ciidanka uu dib u dhac ku yimaado, Laakiinse way naga go’an tahay bixinta Mushaarkooda, Maadaama ciidanka dowladda FS ay u taagan yihiin sidii ay cadowga uga difaaci lahaayeen bulshada.”

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waxaan ka Cudur-daaranaynaa marka ay socdaan Hawlgalada cadowga lagu beegsanayo ay shacabka waxyeellooyin kasoo gaarto, mar kasta Dowladda Somalia waxaa ka go’an cirib-tirka cadowga Shacabka Soomaaliyeed.,”

GARSOORKA DALKA; Madaxweynaha oo hadlay Arrimaha Garsoorka ayaa sheegay in Nidaamka Dowladnimada ee 30-kii sano ee lasoo dhaafay lagu Dhaqmayay la bedelay, isla markaana la keenay Nidaam cusub oo Xukunku baahsan yahay, Taladu baahsan tahay uuna qorayo dastuurka in adeega garsoorka uu ka madax-bannaan yahay xukuumadda, sameynta guddiga ayaa waqti badan nagu qaadatay, balse hadda meel Wanaagsan ayay noo maraysaa howshaas.

MAQAAMKA MUQDISHO: Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in bulshada ku nool Gobolka Banaadir ay wax la qabaan Shacabka kale ee ku nool 18-ka gobol ee Somalia, isla markaana la sameyn doono Maqaamka u gaar ah oo ay caasimaddu yeelato.

“Gobolka Banaadir wuxuu ka mid yahay 18-ka gobol ee Waddanka, Gobol kastana xaqa ay shacabkiisu leeyihiin ayay leeyihiin shacabka gobolka Banaadir ku nool, laakiin Muqdisho waa caasimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maqaam gaar ah ayay yeelanaysaa, Inkastaoo aanu weli Diyaarsanayn Maqaamkaas. Dowlad Goboleedyada Somalia Qaarkood Dadka ku nool, Waxaa ka tiro badan kuwa caasimadda ku nool, in xuquuqdooda la duudsiiyo xaq ma ah, Waxaa socda qorshe ah in la sameeyo Gole deegaan, Bulshadana ay isu abaabusho sidii ay isku soo dooran lahaayeen,” ayuu Xasan Sheekh kusoo Gunaanaday Hadalkiisa.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo Madaxweynaha Soomaaliya uu si toos ah uga hadlo Qaadka/Jaadka iyo Dhibaatooyinka uu ku hayo Bulshada, iyadoo la Ogsoon yahay in Qaadku uu nooga yimaado dalka Kenya, dhaqaale badanna uu ku baxo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya