4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2016
Kenya: Hawlgal aan Somalia ka Fulinay Waxaan ku Qaarijinnay 20 Ruux oo ka Tirsan Al-shabaab


Sabti, Feberaayo 20, 2016 (HOL) — Millateriga Kenya ayaa sheegay in Jimcihii shalay ay ku dileen 20-xubnood oo ka tirsan Al-shabaab weerar ay ka fuliyeen Somalia, kuwaasoo ay sheegtay inuu ku jiray khabiir Qaraxyada sameeya oo lagu Magacaabo Macallin Shariif.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xarunta Millateriga Kenya ee Nairobi, ayay ku sheegeen in Weerarkaan ay ku beegsadeen Saldhig Tababar oo ay Al-shabaab ay ku leedahay Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya,

“Intii howlgalku socday waxaan dilnay 20 dagaal-yahan oo Al-shabaab ka tirsan, Qaar kale oo dhaawacyo kala duwan qabana way baxsadeen,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada KDF ee Dalka Kenya, Col. David Obonyo.

Sidoo kale, Col. Obonyo ayaa xusay in bartilmaameedkooda ugu weyn uu ahaa mid ka mid ah xubnaha khabiiriinta ku ah sameynta waxyaabaha Qarxa, kaasoo uu sheegay in Macallin Shariif lagu magacaabo.

“Macallin Shariif, wuxuu ka mid ahaa Khuburada Sameeya Waxyaabaha Qarxa ee ay Al-shabaab Weerarrada uga Fuliso Gobolka Gedo,” ayuu Col. Obonyo ku sheegay Hadal uu siiyay Warbaahinta Kenya.

Afhayeenka Millateriga dalka Kenya ayaa intaas ku daray in intii uu Hawlgalkan socday ay Ciidamadu Gacanta ku dhigeen 16 qoryahan daran-doorriga u dhaca ee AK-47-ka ah, Laba bistooladood, lix Miino, siddeed qoryaha baasuukayaasha loo yaqaan ah, rasaas fara badan iyo qalabka is-gaarsiinta ee ay ciidamadu adeegsadaan.

Dhanka kale, Maalin ka hor ayay ahayd Markii Kenya ay Baahisay inay Duqeyn ku dishay madaxii Sir-doonka Al-shabaab, balse War-saxaafadeed markiiba ka soo baxay Al-shabaab ay ku beeniiyeen sheegashada Ciidamada Kenya.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin Weerarka ay ciidamada Kenya sheegtay in ay ku dishay Xoogag ka tirsan Dagaal-yahannadooda, iyadoo Ciidamada Kenya ay wadeen Weerarro ka dhan ah Al-shabaab tan iyo markii Xoogag ka tirsan Al-shabaab ay Weerar ku Qaadeen 15-kii bishii Janaayo ee lasoo dhaafay Saldhig deegaanka Ceel-cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo ay ku lahaayeen Ciidamada Kenya, Weerarkaasoo ay ku dishay tiro ka mid ah ciidamadii Kenya ee ku sugnaa saldhiggaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya