4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2016
Madaxweyne Museveni oo si Weyn ugu horreeya doorashadii Madaxnimo ee ka dhacday UGANDA


Sabti, Feberaayo 20, 2016 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa si weyn ugu horreeya doorashadii Madaxnimo ee Uganda, iyadoo natiijooyinka soo baxaya ay Tilmaamayaan inuu Hoggaaminayo Codadkii laga dhiibtay doorashada Khamiista lasoo dhaafay.

Yoweri Museveni oo Uganda Xukumayay tan iyo sanadkii 1986-kii, xilligaasoo uu awood ciidan ku qabsaday ayaa wuxuu u muuqdaa inuu markii shanaad dalkaas xukumo dhowrka sano ee soo socda.

Natiijooyinka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in 80% uu ku horreeyo codadkii illaa hadda la tiriyay, inkastoo 71-jirkaan uu cdad ahaan kusoo xigo Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee FDC, Kizze Besigye oo ay Jimcihii shalay ay Booliisku u taxaabeen xabsiga, kaddib markii ay ku weerareen xasiifkiisa Kampala.

Sidoo kale, Natiijadaan ayaa sheegaysa in Hoggaamiyaha mucaaradka ee uu loolanka kala dhexeeyo Museveni ee Kizza Besigye uu isagana haysto 34%, laakiinse waxaa lagu wadaa in Natiijada kama Dambeysta ah ay soo baxdo Saacaddu Afrikada Bari Markay tahay 4:00 Galabnimo ee Sabtida Maanta ah.

Doorashada Uganda ka dhacday Khamiistii ayaa waxaa hareerayay rabshado iyo sidoo kale eedeymo ka imaanaya dhinaca Axsaabta mucaaradka ah oo sheegaya in Codadkii ay Dadka shacabka Uganda dhiibteen la musuq-maasuqay.

Dhanka kale, Waxaa weli Xanniban Baraha ay Bulshadu ku Xiriiraan sida Facebook-ga iyo Twitter-ka, sidoo kale waxaa xiran fariin-gudbiyaha taleefoonada loo yaqaan Smartphone-ka ee Apps-ka, iyadoo Xirtaankooda lagu sheegay Arrimo la xiriira dhanka Ammaanka.

Taliyaha Booliiska Caasimadda Uganda ee Kampala Andrwe Felix Kaweesi - ayaa isagana Warbaahinta u Sheegay in Besigye uu Xirnaan doono illaa si Rasmi ah looga Dhawaaqayo natiijada doorashooyinkii madaxnimo ee Uganda ka dhacday.

Ugu dambeyn, Besigye oo ay si weyn u xifaaltamaan Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa horay u ahaa Dhakhtarka gaarka ah ee Madaxweynaha; laakiin wuxuu Khilaafkoodu yimid markii uu Besigye shaaciyay inuu doonayo inuu ka qayb-galayo doorashada madaxnimo ee Uganda sannado ka hor.

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa weli laga War-sugayaa in Guddiga Doorashooyinka Qaranka dalka Uganda ay si Rasmi ah ugu dhawaaqaan Natiijada Doorashada Madaxnimo ee Dalka Uganda ka dhacday Khamiistii Toddobaadkii hore, Taasoo kala saaraysa sideedii murashax ee xilka madaxnimo ku tartamay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya