4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2016
Guddoomiyaha Degmada Baraawe oo Dhaawac uu kasoo Gaaray Qarax lagu eegtay Xafiiskiisa


Sabti, Feberaayo 20, 2016 (HOL) — Gudoomiyaha degmada Baraawe oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose Xuseen Barre Jeex, ayaa lasoo sheegayaa inuu ku dhaawacmay Maanta Qarax lala eegtay isagoo ku sugan xafiiskiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Guddoomiyaha uu Dhaawaca fudud soo gaaray, waxayna maamulka degmada ay sheegayaan in qaraxani uu ahaa bambaano lagu soo tuuray xafiiska Guddoomiyaha degmada Baraawe.

“Qaraxa uu Gudooomiyuhu ku dhaawacmay, wuxuu ahaa bam-gacanta xafiiskiisa laga soo tuuray xafiiskiisa, dhaawaciisuna waa mid fudud,” ayuu Guddoomiye ku xigeenka Amniga ee degmada Baraawe, Bashiir Maxamed Yusuuf u sheegay Qaar ka mid ah Warbaahinta.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa warbaahinta u sheegay inay gacanta ku dhigeen ruuxii bambaanadaas soo tuuray, inkastoo wararka qaarkood ay ku warramayaan in qaraxa uu ahaa mid dhulka lagu aasay.

Ma jirto cid illaa hadda sheegatay mas'uuliyadda Weerarkan Guddoomiyaha Baraawe lagu dhaawacay, balse qaraxyada noocan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegata Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM.

Ugu dambeyn, Xaaladda Degmada Baraawe ayaa deggen, iyadoo Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ee degmadaas ku sugan ay wadaan baaritaanno ammaanka lagu adkeynayo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada iyo shacabka ku nool Baraawe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya