4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 20, 2016
Dibadbaxyo Ka Dhacay Masar

Sabti, Feberaayo 20, 2016 (HOL) - Boqolaal qof oo dibadbaxeyaal ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalo madaxda Masar ee Qaahira Jimcihii shalay salaada Jimcaha kadib ayagoo ka cabanayay dilal aan sharci ahayn oo dawlada militariga ah ee dalkaasi ay kula kacdo dadka rayidka ah.

Si kastaba ha ahaatee, dawlada dalkaas ayaa sheegtay inay ayadu wax ka qaban doonto dilalkaa.  Dibadbaxeyaasha oo aad u careysnaa ayaa waxay gooyeen wadada soo gasha xarunta ciidamada ammaanka ee Qaahira.

Dadkaasi mudaaharaadayay ayaa ka cabanayay booliska iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidamada ammaanka in ay rasaas nool nool ku ridaan dadka rayidka ah. Madaxweynaha dalkaasi Masar Abdel Fatah Al-Sisi ayaa si kastaba ha ahaatee sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin xadgudubyadaa oo ay kula kacaan xubno ka tirsan booliska Masar dadkii loo igmaday inay ilaaliyaan naftooda iyo maalkooda.

Dhanka kale, afhayeenka madaxtooyada Masar Alaa Yussuf ayaa warbaahinta u sheegay  in madaxweyne Al-Sisi uu ugu baaqay baarlamaanka dalkaasi Masar inuu wax ka baddalo qaanuunka u dagsan ciidamada booliska muddo 10 cisho ah gudahood si loo dhimo gabbood fallada boolisku ku hayaan rayidka.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa wiil gaari ku dhex watay xaafad ka mid ah xaafadaha Qaahira uu u dhintay rasaas uu ku dhuftay askari booliska ka tirsan. Wasaarada Arimaha Gudaha Dalkaas ayaa sheegtay in falkaasi uu yahay fal waxuushnimo ah isla markaan tillaabo adag laga qaadi dooni askarigaa booliska ah ee dilkaa geystay.

Arintan ayaa timid ayadoo dhawaan ururada u dooda xaquuqul insaanku ay sheegeen in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay xad gudubyo baahsan kula kacaan dadka rayidka ah.