4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2016
Dowladda federaalka Somalia oo xirtay qaar ka mid ah Website-yada ku Hadla Afka Soomaaliga


Sabti, Feberaayo 20, 2016 (HOL) — Dowladda Soomaaliya, ayaa markii ugu Horreysay ka Mamnuucday in Qaybo ka mid ah Somalia laga Akhristo ama laga daalacdo qaar ka mid ah Shabakadaha Internet-ka ee Afka Soomaaliga wax ku qora.

Amar kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa lagu Mamnuucay in gudaha Somalia laga akhristo 35 Website oo ay Dowladda Somalia ku eedeysay inay tabiyaan warar intooda badan loog talo-galay in dadka lagu jah-wareerinayo.

Website-yadaan la xabibay ayaa haddii la furo waxay kuusoo saarayaan qoraal Ruuxii furta loogu shieegayo in Shabakadaan la xadiday, Waana markii ugu horreysay oo ay Dowladda Somalia xayiraad saarto shabakado laga akhristo gudaha dalka.

Xukuumadda Somalia ayaan weli baahin magacyada shabakadaha la xiray, iyadoo la xusay in tani ay qayb ka noqon karto xakameynta dowladda Somalia ay ku Sameynayn karto qaar ka mid ah Shabakadaha Internet-ka ee aysan la dhacsanayn Warbixinnada ay baahinayaan.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa kaddib markii bishii November,2015-kii ay Dowladda Federaalka Somalia kku dhawaaqday inay xannibaado saarayso 35 ka mid ah Shakahadaha ama Website-yada wax ku tabiya Afka Soomaaliga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya