4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2016
Natiijada Doorashooyinkii Uganda oo Maanta la Shaacinayo iyo Rabshado dhacay (SAWIRRO)

Sabti, Feberaayo 20, 2016 (HOL) — Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in si rasmi ah logu dhawaaqo Natiijada Doorashada madaxnimo ee dalka Uganda ka dhacday Khamiistii lasoo dhaafay, iyadoo sidoo kale ay rabshado u dhexeeya Booliiska iyo Taageerayaasha kooxaha mucaaradka ahi ay ka dhaceen magaalada Kampala, kaddib xariggii Kizze Besigye.

Rabshadahan ayaa yimid, kaddib markii Booliiska Uganda ay shalay Weerareen xarunta uu xisbigaas ku leeyahay Magaalada Kampala; iyagoo xabsiga u taxaabeen hoggaamiyaha ugu awoodda badan mucaaradka Uganda, Besigye.

Afhayeenka Booliiska Magaalada Kampala, Patrick Onyango ayaa sheegay in sababta ay u xireen Booliiska Hoggaamiyaha Mucaaradka, Kizze Besigye ay tahay inuu isku dayay inuu carqaladeeyo ammaanka Uganda.

Xariggii Kizze Besigye kaddib ayaa waxaa Kampala ka billowday iska-horimaad Booliiska iyo taageerayaasha xisbiga FDC u dhexeeya; iyadoo Ciidamadu ay xireen dhowr qof oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga ugu awoodda badan mucaaradka dalkaas.

Taageerayaasha mucaaradka ayaa lagu arkayay waddooyinka waaweyn ee Kampala iyagoo gubaya shaagag iyo waxyaabo kale, sidoo kalena dhagax ku Weeraraya Ciidanka Booliiska Uganda oo ku suganaa Xarunta Xisbiga Mucaaradka ah ee FDC.

Illaa hadda, lama oga khasaare ka dhashay iska-horimaadka Ciidanka Amniga Uganda iyo Taageerayaasha Kizze Besigye dhexmaray, iyadoo rabshaduhu ay ku soo beegmayaa xilli natiijooyinka doorashooyinka madaxnimo ee dalkaas shalay ka dhacay uu Hoggaaminayo madaxweynaha dalkaas, Yoweri Museveni.

Waddooyinka magaalada Kampala ayaa xalay ahaa kuwo maran, iyadoo meel walba ay ku sugnaayeen ciidammo booliis ah oo amniga ilaalinaya, iyadoo weli uu xiran yahay Besigye oo ay sare u sii kacayeen codadka uu doorashada ka helay.

Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee daka Mareykanka, John Kerry ayaa Shalay Taleefoonka kula hadlay Yoweri Museveni isagoo u sheegay in Horumarka Dalka Uganda uu ku xiran yahay u hoggaansanaanta dimuqraadiyadda iyo geeddi-socodka doorasho oo si hagaagsan ku dhammaanta.

John Kerry ayaa wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay xarigga Xubnaha mucaaradka sida; Kizze Besigye oo dhowr jeer la xiray toddobaad gudihiis iyo weliba cadaadiska lagu hayay Asxaabta mucaaradka Waddanka Uganda intii ay socdeen ololayaashii doorashooyinka iyo weliba Codeynta doorashada, Wuxuuna madaxweynaha Uganda ku boorriyay inuu xil iska saaro xakameynta booliiiska iyo ciidamada kale ee ammaanka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Talada Dalkaas haya ee Yoweri Museveni ayaa aad loogu Saadaalinayaa inuu Doorashadaan ku guuleysan doono, inkastoo xubnaha mucaaradku uu iyagana codkoodu ay helayaan ay aad sare ugu kacayay tan iyo xalay, balse la arki doonee Natiijada soo baxda sida ay noqoto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya