4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2016
Shirweyne Wadatashi oo si Rasmi ah uga Furmay Magaalada Beledweyne ee G/Hiiraan (SAWIRO)


Talaado, Feberaayo 02, 2016 (HOL) — Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa si rasmi ah maanta u Daah-furay Shirka Wada-tashiga gobolka Hiiraan oo ay ka Qayb-galeen qaar ka mid ah ugaasyada, wabarrada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo waxgarad ka kooban beelaha dega Gobolka Hiiraan.

Ugaas Xassan oo ugu horeyn daah furay shirka ayaa sheegay in ujeeddada Shir-weynahaan yahay in si furan uga wada-hadalaan bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan oo ka arinsanaya sidda uu hadalka u dhigay aayahooda, isaga oo intaa raaciyay in maanta laga bilaabo shirku si rasmi ah u furan yahay, inkastoo aan la guda-galin ajandaha rasmiga ah ee shirka.

Sidoo kale, wuxuu xusay inay wali soo socdaan salaadiin iyo dad kale muhiim u ah shirka, kuwaasoo lagu wado in maalmaha soo socda ay kusoo biiraan, isaga oo kula Dar-daarmay ka qeyb-galayaasha in ay shirka ka soo saaraan go'aamo u faa'iideynaya bulshada ay Mete-laaan.

''Shirka maanta waxaa furaya duubabka dhaqanka, waana shir wadatashi ah oo ay ka qayb-galayaan dhamaan Waxgaradka beelaha Gobolka, maanta waa maalintii furitaanka, dabcan dad kale oo muhiim u ah shirka ayaa soo socda, waxaan rabnaa in ay halkan ka soo baxaan wax wanaagsan oo bulshada u dan ah'' ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Kulanka Maanta kama aysan soo Qayb-galin Wasiirrada iyo Xildhibaannada Baladweyne ku sugan, lamana oga sababta rasmiga oo ay uga baaqdaan, inkastoo wararku sheegayaan in maalmaha soo socda goob joog u ahaan doonaan shirka.

Illaa iyo hadda lama sheegin inuu ajandaha shirka qayb ka yahay go'aanka beelaha gobolka ay ka qaadanayaan qorshaha dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe oo ay horay u qaadaceen siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha kazoo jeeda Gobolka Hiiraan Qaarkood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya