4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2016
Kismaayo oo maanta laga daahfuray mashruuca badbaadada hooyada iyo dhallaanka [Sawirro]


Talaado, Feberaayo 02, 2016 (HOL) —Waxaa maanta magaalada Kismaayo gaaray wafdi ay hogaamineeysay wasiirka caafimaadka dowladda Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan  Max’ed, madax ka socotay hay’adaha UNICEF iyo UNFPA iyo weliba masuuliyiin kale.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay wasiirka caafimaadka Jubaland Xasan Daahir Yaroow, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Max’ed Warsame Darwiish, wasiirka haweenka Marwo Qamar iyo masuuliyiin kale.

Madaxdan ayaa la geeyay xarunta Madaxtooyada halkaa oo ay kulan kula qaateen madaxweeynaha Jubaland, wallow kulankaasi ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd.

Waxaa intaa kadib masuuliyiintani ay ka qeybgaleen munaasibad ballaaran oo ay wasaaradda caafimaadka Jubaland u sameeysay daahfurka mashruuca, taa oo lagu qabtay hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo.

Wasiirka caafimaadka Jubaland iyo wasiiradii kale ee madasha ka hadlay ayaa dhammaantood soo dhaweeyay mashruucan ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya, Jubaland iyo Qaramada Midoobay kaa oo loogu talogalay badbaadinta hooyada iyo dhallaanka.

Wasiirka caafimaadka dowladda Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Max’ed oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in mashruucan ay hore uga hirgeliyeen ilaa sideed gobol oo ka tirsan dalka, gobolka Jubada hoosena uu noqonayo gobolkii sagaalaad ee ay ka hirgeliyaan mashruucan caafimaad ee badbaadada hooyada iyo dhallaanka.

Ugu danbeyn waxaa madasha ka hadlay madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere), isagoo sheegay in ka Jubaland ahaan ay soo dhaweeynayaan adeeggan caafimaad ee loo qaban doono bulshada ku dhaqan gobolka J/hoose, isagoo sheegay in uu yahay barnaamij waxtar u leh bulshada, isagoo ugu danbeyn daahfuray mashruuca.

Barnaamijkan badbaadinta hooyada iyo dhallaanka ayaa la filayaa in laga fuliyo degmooyin ka tirsan gobolka J/hoose, ayadoo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay sheegtay in gobollada kale ee dalkana ay gaarsiin doonaan mashruucan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.